Xisbiga WADDANI oo Qaabilay Wax-garad iyo Taageerayaal Ka Soo Jeeda Beelaha Gabooye oo Ka Soo Diga-rogtay KULMIYE.

0
129

Ceerigaabo(Kaafimedia):-Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo Xisbiga WADDANI uu ku soo dhaweynaayey wax-garad, Cuqaal iyo taageerayaal baaxad-weyn oo ka soo diga-rogtay Xisbiga KULMIYE isla mar ahaantaana ku soo biiray Xisbiga WADDANI, ayaa maanta ka qabsoontay hotel Cadami ee magaalada Ceerigaabo.

Xafladdan oo ay ka soo qeyb-galeen guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba sida oo kale madaxda, salaadiin iyo cuqaasha ka soo jeeda beelaha Gabooye, ayaa taageerayaashii ku soo biiray waxa ay si weyn u sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in ay ku soo biiraan Xisbiga WADDANI.

Suldaan Daakir oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi:-“Waxa aanu is lee nahay xisbigan ciddi naga ma xigto, waxa aanu nahay dadkii bud dhiga u ahaa xisbiga, macnaha aanu sidaas u sameynaynaana waxa weeye wanaaga iyo cadaaladda aanu ku aragnay xisbiga WADDANI iyo dhibta iyo diifta aanu kala kulanay xisbigii aanu soo dhisnay ee KULMIYE oo abaalkii uu noo galay uu noqday mid uu na ilaawo oo uu naga dhigo dad yar oo la hayb sooco oo weli ba xilkii uu noo magacaabay uu xil la hayb soocid ah, xukuumaddii KULMIYE na waxa aanu ka noqonay dad la hayb sooco. sidaas awgeed xisbiga WADDANI waxa uu noo noqday xisbi anaga oon xilkii ba gaadhin naga dhigay in aanu iska yeelano oo aanu noqono dadka talada ku leh.”.

Xoghayaha cadaaladda WADDANI oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay siyaasadda Xisbiga ee beelaha Gabooye. “Xisbigu guud ahaan siyaasiyan waxa uu garowsan yahay dhibta dhaqan ee idin ku dhacday ee aan diinta iyo dadnimada ku saleysnayn oo todobadaas sannadood ee Xukuumaddani jirtay waxa uu ka garaabayaa in goballada Somaliland marka laga yimaado uu gobalka Sanaag in aydaan hal shaqaale oo dawladdeed ah aydaan ku lahayn, marka isu-duweyaal laga yimaado iyo madax kale toona ba oo shaqaale dawladdeed oo miisaaniyadda dalka ku jira in aanay beesha Gabooye ku lahayn gobalka Sanaag oo ay tahay dulmi dhacay muddo toddoba sannadood ah iyada oo la idiin dhaartay, taas baana uu Xisbiga WADDANI ogsoon yahay.”. Ayuu yidhi Haldoor Barkhad Batuun

Suldaan Ladiif oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi:- “Ilma yar baa beri hooyadii ku yidhi Alla Hooyo qurux badnidaa, markaas bay ku tidhi Hooyo aabahaa la tusi waa, markaa dadkaa quruxda badan ee aadka u tirada badan ee aanu xafladahooda illaa Sool iyo Sanaag ba iyo goballada dalka oodhan ba lagu qabanaayey ayaa Alle tusi waayey quxudaa beelaha Gabooye. Markaa horta anigu waxa aan muxaafid ahaa toddobadii sannadood ee Xukuumaddaasi dalka haysay oo waxa aan mucaarad ahayba 17 cisho oo keliya, waxaanan idiin sheegayaa xog-oggaal baan ahay oo waxa aan Xukuumadda iyo Xisbigeed ba aan uga soo baxay cadaalad darro lagu hayo beeshayda, waxaanan garowsaday in aan WADDANI ku soo biiro markaan arkay cadaaladda ay beeshaydu ka heshay WADDANI oo aan anigu markii hore maraayey dariiq khaldan.”.

Boqor Faysal oo isna halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi:- “Waxa aan aad u soo dhaweynayaa beeshan Gabooye ee ku soo biirtay Xisbiga WADDANI oo runtii aan anigu u aqaano ashraaf waayo calaamadaha ashraafta waxa ka mid ah in ay shaqeysato, waxa ka mid ah in aanay waxba shaxaadin, waxa ka mid ah dhiiga dadka in aanay daadin, waxa ka mid ah qaadicu dariiq in aanay noqonin, waxa kale oo ka mid ah in ay tanaasulka iyo isasaamaxa in ay qaadan karto, intaas iyo calaamado kale oo wanaag ah ba waan ku ogahay beeshan.”.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay beelaha Gabooye ay ka mid yihiin kuwii ugu horreeyey ee budhiga u ahaa xisbiga WADDANI.

“Runtii maanta farxad weyn bay ii tahay in ay garbahayga joogaan boqorada, salaadiinta iyo haldoorka beesha Gabooye, waxa aad ka mid ahaydeen sida la xusay in aydaan xisbiga marti ku ahayn oo dadkii aas aasay ee rukumada u taagay dhammaan ba goballada Jamhuuriyadda Somaliland baad ka mid ahaydeen, dadkii iska sharaxay doorashadii Golaha deeganka ayaad ahaydeen gobal kasta, madaxda Xisbiga ayaad ka mid tihiin, markaa waxa aan u mahad-celinayaa inta kale ee maanta garatay in qarankani uu badbaado u baahan yahay midnimadu na muhiim tahay.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro,

Kaafimedia /ceerigaabo bo