Garsoore Kubbada Cagta Ayaa Muqdisho Lagu Diley

0
118

Osman Jaamac Diiriye oo ahaa garsoore caan ah oo kubbadda cagta Soomaaliya ayaa lagu diley magaalada Muqdisho kadib markii ay weerar ku qaadeen kooxo hubeysan oo markii dambe baxsaday.

Wuxuu ahaa dadka isboortiga Soomaaliya ugu caansan 27-dii sanno ee lasoo dhaafay, isaga oo noqdey guddoomiyaha garsoorayaasha ee xiriirka kubbada cagta Soomaaliya.

Qaar ka mid ah saaxiibaddii Cusmaan ayaa sheegey in uu laf dhabar u ahaa isboortiga, dilkiisana ay dharbaaxo weyn ku tahay bahda ciyaaraha.

Sannadkii 1979-kii ayuu bilaabay xirfadiisa kubbada cagta, isaga oo markaasi noqdey gool haye kooxdii gobolka Galgadud, markii dambana heer qaran u talaabay isla booskaasi.

Sababta dilkiisa lama oga , mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka.

Maanta ayaa lagu aasayaa magaalada Muqdisho.

Horey ayaa waxaa loo diley dad isboortiga Soomaaliya kaalin weyn ku lahaa sida Aadan Xaaji Yabaroow Wiish guddoomiyihii guddiga olimbikada Soomaaliya iyo Moowliid Macaane Maxamuud oo mar noqdey wasiirka isboortiga, horeyna u ahaa ciyaartooy kadib qarax ka dhacay tiyaatarka Muqdisho sannado ka hor.

bbc