Wakiilka Shirkada Axmed Nuur Jimcaale Ee Telesom Oo Ka Gaabsaday Inuu Dadkii Lacagtu Ka Maqnayd Tusto Xisaabtooda Iyo Cida Kala Baxday+Dadweyne Tira Badan Oo Hor Tuban Shirkada Iyadoo Ilaa Iminka Aan Raaligelin Ka Bixin.

0
122

Shirkadii TELESOM oo Ka Gaabsatay Inay Dadkii Lacagtu ka MAqnayd Tusto Xisaabtooda Iyo Cida Kala Baxday+Dadweyne Tira Badan Oo Hor Tuban Shirkada Iyadoo Ilaa Iminka Aan Raaligelin ka Bixin

Hargaysa(Kaafimedia)Shirkada isgaadhsiinta ee TELESOM ayaa Cadho iyo edeb daro ugu jawaabtay Shacab Qaylo dhaan ah oo isasoo hor tubay Xafiisyadooda kadib markii lacagtoodii La dhacay Labadii maalmood ee u danbeeyey

Shirkada ayaa Qarinaysa Dhaca lagu sameeyey Shacabka iyo Boobka lagula kacay adeega Zaad ee Ay shirkadani hore shacabka ugu Qaladay waxaana ay Huurinaysaa sida ay Arintani u saamayn doonto Mustaqbalka Dadka ay lacagta faraha badani ku Aaminay Akoonada Shirkada Telesom oo aan isku halayn lahayn

Mid ka mid ah dadka Lacagtu Ka maqan Tahay ayaa u Sheegay Shabakada Gabileymedia.com in aanu garanayn cida lacagtiisii la baxday isla markaana uu tagay shirkada telesom oo uu ka codsaday inay u baadho Xisaabaadkiisa iyo cida uu lacag u diray labadii maalmood ee u danbeeyey balse ay ka diiday waxaana uu yidhi

“Walaal waxaa Igu dhacday Qof ayaa 37 dolar iisoo diray,Waxaan diray 27 dolar ka dib mar kale ayaa anigoo meherada haysta waxaa ii yimi qof macmiil ah waxaana aan isku dayay inaan lacag dolar kaash ah oo uu ii dhiibay baaqi uga celiyo ,10 dolar oo lacagtii hore iiga hadhsanaa baan is idhi u dir,wuxuuna adeega Zaad igu yidhi kuguma filna lacagta kuugu jirtaa,hadhaagaygii ayaan eegay waxaaba iigu jirta 4 dolar keliya,waan yaabay oo dhakafaaray waxaana aan tagay xafiiskii shirkada telesom waxaana aan ka dalbaday inay ii eegto xisaabaadkayga,iyo akoonka aan zaad ku leeyahay bal cidaan lacag u diray iyo halka wax iska dhaafsan yihiin balse waxay si cad oo aan gabasho lahayn iigu dhahen Kuuma eegayno ee orod oo iska Tag Lacagtaadu way kuusoo Noqonaysaaye,Mana garanayo waxa ay Qarinayso,iskumana sii Halayn Karno Shirkadani maadaama aanay shirkadu Na Qancin sidoo kalena Dadka aniga iga daran ee Lacagta Faraha badani ka maqan tahay Aan ilaa iminka shirkada Telesom aanay wax raali gelin ah siinin”Ayuu Yidhi Macmiilkan shirkada Telesom ka Cawday.

Dhinaca kale Warar kale oo aan helayno ayaa xaqiijinaya in Shan nin oo ka mid ah Masuuliyiinta Haya isla markaana Xafidsan Amaanka guud ee Koodhadhka ama lambarada sirta ah ee adeega ZAAD uu fashiliyay tixraacyada Shirkadu ku shaqayso ee lacagta dadka loogu kala diro taasi oo keentay in shirkada Telesom ay Ka aamusto Umuurtan iyadoo Sahashanaysa maadaama aanay iyada lacagi ka maqnayn ee ay Xoolihii iyo hantidii Dadweynaha ku Haysato kaash ahaan

Ugu danbayn Xukuumada madaxweyne siilaanyo oo hore goaano u dul dhigtay ayaan dheg jalaq loo siin iyadoo xaalku noqday dawlad dawlad kale ka dhinac dhisan tahay waxaana sidoo kale arintan ka gaabsaday Xisbiyada Buuqa badan oo ilaashanaya Saamiga ay ku leeyihiin shirkada Telesom,Halka Warbaahinta madaxa Banaana ay mid kasta Ku Jeedisay Balag ay u Lushay

Sidoo Kale Wadaadada Wahaabiyada ayaa Arintan taageeray iyagoo Dhowaana Fatwooyin kusoo saari doona Wanaaga Iyo horumarka shirkada Telesom balse waxaanu idiin soo Bandhigi doonaa Koox Gaar ah oo Somaliland Culimo ka Sheegta kuwaasi oo Ku nool kana Macaasha Mashaariic ribo ah oo Shirkadan Shayaadiintu Share-ka ku leeyihiin la shaqaysta isla markaana Saami ku Leh,

Xigasho Gabilay,