QAYBTII 2AAD noloshii xumayd waxaa igaga daraa jacaylkii xumaa.

0
146

oo ay tidhi………………Waa shaqsi furfuran oo aad u dad dhex gal badan sido kalana aad u naxariis badan walee ta ku heshaa nasiib leh, intaasi markay dhagahayga soo gaadhay ayaan helay firfircooni badan oo waxan naftayda u sheegay inay inantu raali iga noqotay waxaaanan marlabaad u diyaar garoobay sidii aan usii wadi lahaa hadalkayga una kasban lahaa qofka sidaa igu sifeeyey waanu sii kaftanay waxaananu isla garanay in ay inan tahay ana aan doob ahay waana sidii aan ku rajo badnaa.
Si kastaba ha ahaatee hablihii way dhamaysteen dalabkoodii iyo doonistoodii ,gaadhiga oo dibada u taagnaa ayaan la saaray markay gaadhigii fuuleena waanu sii yara kaftanay waxaananu kala helay xog kooban oo ay ka mid tahay xaafada ay gasho iyo numberkeda inantii kalena way I bartay oo waxay ii sheegtay inay saaxiibo yihiin,waxaanay igu sii dardaartay inaan caawa soo wada xidhiidhno oo imika ay mashquul tahay.
Maalintu ileen ma dhamaato, gabalku ileen ma dhaco ,cadceedana waxaabad moodaa inay lugaha ka xidhan tahay markaan soo baxaba halkii ayey ka muuqata taleefanka inanta oo aan sii savegaryastayna waxaan eegaa ilaa 4 goor oo waxaad moodaa inuu iga baxayo mararka qaarkoodna maskaxdaydu waxay I leedahay malaha inantu galabta ila soo hadal ayey ku tidhi hadana waan is qabtaa oo jeebada ayaan mobile-ka ku ridaa oo waan is yar dhaafiyaa.
Gabalkii wuu dhacay sideedii ayey ku taagan tahay waxaanay gaadhay xiligii aan rawaxi jiray, badana markaan sii socdo waxaan sii mari jiray tukaan ka waxaan kaga sii shuban jiray lacagta ku hadalka qadar lacageed oo dhan 0.5 badana lakin may ahayn habeenkan intaa ee waxaan ku shubtay 3 dollar oo waxaan lahaa dan ka badan danayaashyadii hore, waxaanan ka degay halkay gogoshu ii taalay inyar ka dibna waxaan bilaabay inan garaaco inantii, nasiib wanaag way iga qabatay oo wanu wada hadalay iswaraysi dhinacyo badan taabanaya waxaananu kala helay xog dheeraada oo noloshayada ku qotoma, sidoo kale waxay inantu ii sheegtay inay ka timi dalka Canada oo ay mudo bil iyo badh ah joogi doonto dalka, sidoo kale waxay ii cadaysay inay markeedii hore burco ku noolaan jirtay lakin ay mudo 10 sano ah dalka ka maqnayd, waa qof hanti u saaxiiba sidoo kalena xadaarad iyo ilbaxnimo hodan ku ah qurux waji iyo mid jidhna rabi ku manaystay, waxay isoo dhawaysay si aan qof loosoo dhaweeyo sida ugu qaalisan, hadii aan garaaco telefonkeeda marhaduu dhac marlabaad muu dhacayn waxaan kala kulmay ixtiraam anan qiyaasi Karin ayaan kala kulmay, ana xagayga xog badan ayaan siiyey noloshaydana waan uga waramay iskumaanu diidin ee waanu ku qanacnay xogtaanu is waydaarsanay.
Kulamo wanaagsan ayaanu yeelanay wakhtiyo farxad badana waanu wada qaadaney , maalmo ka dib waxay marlaabd igu soo booqatay tukankii aan ka shaqayn jiray (super martek) marlabaad iyo tukaamaysigiidee waxaa iiga soo baxay wax aad u cajiib badan waayo inta b adan dumarka waxaa la yidhaahdaa xasuusta iyo balanta iyaga kaga wanagsan raga, waxa jirtay nooc ka mida sharaabyada oo aan maalintii anigu u dooray lakin ay igu diiday waxaanse maalinta ku idhi waan kula jeclaadee qaado nasiib xumse maalinta may qaadan lakin maanta wuxuu ka mid noqday sharaabkii dalabkii koowaad ee ay samaysatay halkaa maxaa kaaga soo baxay? Waa inay wali xasuusan tahay wixii aan la jeclaaday.
Waxba yaanan hadal kugu daaline waxaa soo dhawaaatay wakhtigii ay ku laaban lahayd dalka Canada oo ay mudo ka hor kasoo kicitinatay, xaalkayaguse wuxuu maraya CAYNOO CAYNAK YAA XBBII.
Subax kasta waxaan ku kala qaadaa indhaha mesegekeeda iyo call keeda shaqadana iyadaaba ii kicisa ma garanayo hawl iga xaniban oo aany ila xalin ama awl ay wadato oo aanan la xalin waxaanu noqoanay isku mid, isku dan iyo isku dareen, waxaanse walal xasuusta maalin khamiis ah ayey ii timi goor galaba meherda horteeda waxaanay ii sheegtay inay doonayso inaan shaqadan ka tago,iyadoo aad uga damqatay shaqada aan hayo miisaankeeda iyo masuuliyadeeda iyo waliba wakhtiga badan ee aan ku qaato waxaanay igu qancisay inaan u shaqo tago shirkad iyada adeerkeed leeyahay oo soo dejisa sharaabka kana shaqaysa berbera iyo dubai.
Waxay ii sheegtay inay soo dhawaatay tagitaankeedii aanay muhiim tahay inay meel igu ogaato,waxaan u sheegay inaan war galin doono mulkiilaha kaalintii aan ka shaqayn jiray maalmo ka dibna waan ka sharxashay shaqadii aan hayey oo waxaan u diyaar garoobay shaqada kale ee ay inantani igu garab joogsatay.
Waxba yaanan hadal kugu daaline week ka dib waxaan ka shaqaaloobay shirkadii cidi su,aal qudha imay waydiin oo waxaan ahaa nin dusha laga keenay waxaanan usoo wareegay magaalada berbera oo ahaa xafiiska ugu wayn ee ay shirkadu leedahay,wakhigaa wixii ka danbeyey waxaan noqday mid wheel iyo walalba leh waxaanan marwada ka dalbaday inay fasax kordhisato mudo bil ah codsigaasina wuu ii hirgalay oo aqbalkeedii ayaan ka helay inantii.
Dhawr maalmood ka dib waxaanu isku qancinay in aanu ka gudubno xaaldan sheekada iyo xidhiidhka oo aanu u gudabno farxada aan dhamaan ee lamaanaha ilaahayna raalida ka yahay codsigaa labaadna kumaan fashilmin oo aqblkeedii ayaan helay lakin waxay ii sheegtay inaan waalidkeed war galiyo intaanay tagin si la iigu hibeeyo.
Waan ku dhaqaaqay hawshii oo waxaan ururiyey odayal iyo rag aanu ehel nahay si ay ugu tagaan rerka inanta,waxaananu inanta aabeheed numberkiisa siinay oday aniga adeer inaadeer ii ah oo aad u aftahan ahaa si uu uga dhaadhiciyo inanta aabaheed in inanta looga fadhiyo.
La is baray oo la is tooyey la kaftan isuna sheeg waxa uu uga socdo , la wada hadal oo odaygii inatii la waydiisay tolow jawaabtu maxay noqon? Intaa waan warwar sanahay oo waxaa igu daran tolow muxuu odhan odaygu.
Araar dheer iyo maldhafasho badan ka dib odaygii noo jawaab oo intuu woxoogaa aamusnaa ayuu yidhi………………………… la soco

Waxa Qoray,Nasri Sheikh Yusuf,

Hargeisa.