Xisbiga KULMIYE oo Ka Hadlay Shaqaaqada Buuhoodle Ka Taagan, Kana Mahadceliyey Soo Dhaweyntii Murrashax Muuse Biixi Ee Gobollada Bariga.

0
123

Hargeysa:(Kaafimedia)-Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa ka hadlay colaadda ka aloosan gudaha magaalada Buuhoodle ee xaruna gobolka Buuhoodle, waxana uu usoo jeediyey shacabka ay dhibaatadaasi dhextaallo inay nabadda iyo walaaltinimada xil gaar ah iska saaraan.

Af-hayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo maanta saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Buuhoodle iyo hareeraheeda ugu baaqay inay caqliga ka shaqaysiiyaan, isla markaana ay garowsadaan dhibaatada iyo cawaaqib-xumada ay colaaddu leedahay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlayaa uu yidhi, “Waxan ugu baaqayaa cidda isku haysa colaadda Buuhoodle ka taagan in caqligu shaqeeyo oo ay joojiyaan colaadda oo ay garwaaqsadaan inaan geerida iyo colaaddu waxba kordhinaynin, kuna soo noqdaan xaalad ammaan oo ka talisa dadka wixii wax gaadhay mooyaane waxa kale in nabad loogu taliyo.”

Afhayeenku isaga oo sii xoojinaya qiimaha nabaddu leedahay waxa uu ka digay inuu khasaaruhu sii dhaafo inta uu maanta taagan yahay, “Colaaddaasi cidna dan uma aha, inay fiddo oo ay intaas dhaaftaana waa dhibaato iyo khasaare weyn, cid allaale iyo ciddii ay khusaysana waxanu ugu baaqaynaa inay nabadda adkeeyaan,” ayuu yidhi Xasan Gaafaadhi.

Sidoo kale waxa uu af-hayeenka KULMIYE Md. Xasan Gaafaadhi mahadnaq ballaadhan u jeediyey shacabka deegaannada bariga Somaliland oo soo dhaweyn aan loo kala hadhin ku qaabilay weftigii uu hoggaaminayey guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, waxana uu kula dardaarmay inay sii xoojiyaan taageeradooda, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa dhammaanba dadweynihii nagu soo dhaweeyey goobihii guddoomiyaha xisbiga iyo weftigii uu hoggaaminayey kusoo mareen iyo taageerayaashii hadh iyo habeenba u taagnaa soo dhaweyntaas ee muujiyey taageerada ay xisbiga u hayaan, waxan mar labaad leeyahay Ilaahay ha idinka abaalmariyo, waxana aan idinkula dardaarmayaa inaad taageerada halkaas kasii haysaan.”

Af-hayeenku waxa uu si cad u sheegay in xisbiga KULMIYE diyaar u yahay doorasho xor iyo xalaal ah oo loo wada siman yahay, isaga oo caddeeyey inaanay jirin waddo taas ka duwan oo xisbiga iyo xukuumaddiisu quud-darraynayaan, “Xisbiga KULMIYE waxa uu diyaar u yahay doorasho xor ah oo xalaal ah oo si caddaalad iyo ammaan ah ku dhacda oo uu qof waliba codkiisa uu dhiibto isaga oo isticmaalaya kaadhkiisa, shacabkana waxan u sheegayaa inaanu xisbiga KULMIYE diyaar u ahayn inuu waddadaas ka lexeeyo doorashada, xukuumadduna aanay diyaar u ahayn inay wax xaq-darro iyo caddaalad-darro ah ay ku kacdo, xukuumadduna iyadaa bixisay wixii kharash ahaa eek u baxayey doorashada, niyad-wanaag iyo inay ka go’an tahay sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho la mahadiyaa uga dhici lahayd dalka, cid walbana waxa dani ugu jirtaa in ammaanka iyo nabadda la ilaaliyo, iyada oo aan qofna qof kale ka xoog weynayn haddana waa in la ogaadaa in sharcigu qof walba ka xoog weyn yahay, annaguna waxanu u hoggaansanahay sharciga iyo qaanuunka dalka u yaalla, waxana aanu jecelahay in cid waliba sharciga dalka ku kalsoonaato oo la isku aamino,” ayuu yidhi afhayeen Xasan Gaafaadhi.

Kaafimedia