Dawladda Kenya Ayaa Bilowday Duqeynta Kaymaha Boni forest oo saldhig u ah Kooxdda Al –Shabaab iyo Khasaaraha ila Hada ay Geysteen.

0
109

Ciidamada Cirka ee Kenya ayaa Axadii shalay dib u bilaabay inay duqeeyaan Kaymaha Boni Forest oo ay saldhigyo ku leeyihiin kooxda Al Shabaab.

Dhulka hawdka ah ee Boni Forest oo ku yaal degmada Lamu ayaa ah halka ay kasoo duulaan kooxda Al Shabaabta Kenya ee weeraro badan ka geystay deegaanada Waqooyi bari ee dhulka Kenya maamusho.

Ciidamada militariga Kenya ayaa bishii hore bilaabay in diyaarado dagaal u adeegsadaan maleeshiyaadka Al Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya kaymaha Boni Forest, waxayna ahayd duqeyntii ugu horeysay ee diyaaradaha Kenya ku qaadaan gudaha dalkooda. Waxaana duqeynta la hakiyey xiligii ay doorashada Kenya socotay.

Digniin kasoo baxday Wasaarada Difaaca ee Kenya ayaa shacabka iyo dadka reer miyiga ah looga digay inay tagaan ama u dhawaadaan kaymaha Boni Forest oo duqeyn xoogleh lala beegsanayo si halkaasi looga soo saaro maleeshiyaadka Al Shabaab ee argagaxinta ku haya shacabka Kenya, ayaa lagu yiri digniinta dowlada u dirtay shacabka dhulkaasi ku dhaqan.

Boni Forest ayaa tan iyo sanadkii 2012 saldhig u noqday maleeshiyaadka loo yaqaan Jaysh Al Ayman oo ka tirsan Al Shabaab kuwaasi oo u badan maleeshiyaad asal ahaan kasoo jeeda Kenya, waxayna weeraro badan ka geysteen tuulooyinka iyo magaalooyinka saaran xadka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.