Maxa sababay inuu wasiirka waxbarashaddu ka noqdo go’aankii dugsiyada qaarkood ay rusqada kala noqdeen ?

0
119

Warbixin: Suxufi,Barkhad-Ladiif M.Cumar

Tan iyo intii uu wasiirka waxbarashadda Cabdilaahii Ibraahim Habane loo magacaabay xilka wasiirka waxbarashadda waxa uu dadaal u gallay sidii tayadda waxbarashadda kor loogu qaadi lahaa,isla markaana ubadka soo koraya u heli lahaayeen aqoon tayo leh oo heer sare.

inkasta oo u isku dayey inuu wax ka qabto tayo xumadaasi nasiib darose kali buu ku noqday oo dadkii uu la shaqaynayey diyaar uma aha ama qof waliba danno ugu jirta inuu dalk sidan sii ahaado, qaarkood dugsiyadda gaarka loo leeyahay ayaa masruufa oo danaha dugsiyadaasi kama hor iman karaan.

Shan iyo labaatankii sanadood ee Somaliland jirtay hoos u dhac iyo nidaam gaar ah oo ay wasaaradaasi u shaqaynayey oo jira ayuu hal mar jiho kale oo sagaal degree ah u leexiyey ka dib markii uu go’aanno degdeg ah oo uu wax kaga qabanayo tayo xumadda waxbarashada ee hoos uun u sii socoto, isla markaana lagu khiyaamaynayo ubadka reer Somaliland ee aaminay wadankooga hooyo.

Qof kaliya way ku adag tahay inuu hal mar isbedel laxaad leh ku talaabsaday haddii aanay jirin cid la shaqaynaya ama rabta isbedelkan la rabo, haseyeeshee go’aamo dadka saamayn ku leh oo dadka u dan ah ayuu qaadayey taas oo inta badan dadweynuhu soo dhoweynayey, laakiin waxa garab socday rag xagal daacinayey oo mar walba lidi ku ahaa talaabooyinka uu wasiirku qaadayo, haseyeeshee badankoodu waxa uu kaga soo baxay adayg iyo hirgalinta go’aannadiisa, wallow Somaliland ay imika dhaqan ka noqotay haddii iskuul khalad ah wax laga qabto ama rusqada lagala noqdo in iskuulkaasi dadkii kale u dhigayeen in reer hebel loo jeedo.

Waxyaalaha uu mudadii uu xilka hayey u qabsoomay dadka iyo dalkana faa’iido u ahayd gaar ahaan dadka danyarta waxay ahayd mideynta manhanka dalka iyo wasaaradda oo soo daabacday hal manhaj oo qiimo jaban ugu fadhidda dadweynaha, ardaydu danyarta ah waxay khaatiyaan ka taagnayeen Fee-ga waxbarashadda waxaana ugu darsamay iibsashadda buugaagta uu macalinku soo daabaco oo arday walba ku kacaysay inay ku iibsadaan $45 dollar, haseyeeshee wasiirku waxa uu amray in ardayda ay ku buugaagtiisa ku taagnaato qiimo dhan $12 dolllar,tusaale ahaan halkii buug Lix dolar ayuu ku taagnaa marki hore imika hal dollar iyo badh ayuu ku taagan yahay halkii Buug, taasina waxay keentay in danyartii lacag badan usoo hadho, talaabadaasi waxa aad uga hor yimid dugsiyada gaarka loo leeyahay oo Copy buugaagta dhaqaale badan ka soo gali jirtay, haseyeeshee go’aan dadka waxtar u leh ayey noqotay.

Maxa keenay in dib looga noqdo go’aankii rusqadda lagala noqday dugsiyadda qortay arday aan wali imtixaankooda loo soo dhajin

Wasiirka waxbarashada waxa uu dugsiyadda gaarka loo leeyahay ku socod siiyey amar ah in aan la qori Karin arday aan wali imtixaankiisa loo soo dhajin oo aan kala ogayn inuu dhacay iyo inuu gudbay, sidaas darteed ardayda fasaladda 8aad ka soo baxay illa ay qaataan shahaadaddii dugsiga dhexe in aan dugsiyadda sare la qori Karin, haseyeeshee maamulayaasha dugsiyadda gaarka loo leeyahay oo ka fikiraya in fasaladda kowaad ee dugsiga sare in aanay madhnayn,isla markaana lacagta laga qaadayo ardaydaasi soo galaysa ayey bilaabeen in la qoro ardday aan wali kala garanayn inay imtixaankii gudbeen iyo inay dhaceen, waxaana kaga darane bilaabeen inay Fee-gii ardayda laga qaado oo casharaddii loo bilaabo, hadda garo waa arday aan wali la hubin inuu imtixaankaasi heli doono iyo in kale,waxaanay jabiyeen amarkii wasaaradda waxbarashadda.

Dugsiyadda gaarka loo leehaya waxay u shireen wasaaradda waxbarashadd waxay go’aansadeen in aanay u joojin amarka wasaaradda, haddii wasaaraddu ku qabsato ama rusqadda kala noqoto dugsiyadda sii qortay ardayda aan wali la shaacin imtixankiisa inay ururka dugsiyadda gaarka loo leeyahay soo abaabulaan mudaharaadyo ay kaga hortagayaan talaabadda ay wasaaraddu qaadi doonto,taas oo wakhtigan aanay xukuumaddu ogolaan doonin wax kicin dadweyanha, ka dibna wasiirka ku qasbaan doono inuu fuliyo dalabka dugsiyadda gaarka loo leeyahay waa siday iyagu isku qanciyeenn markii ay ka fikirayeen talaabadda ay qaadi doonaan hadii lagu qabsado ardaydaasi ay sii qorteen ee waxbarashadda u bilaabeen.

Intaas ka dib wasiirku markii uu maqlay in aan loo joojin amarkiisii oo la iska qortay waxa uu amar ku siiyey agaasimaha dugsiyadda gaarka loo leeyahay inuu soo diiwaangaliyo dugsiyadda amarkaasi jabiyey si rusqadda loogala noqdo, haseyeeshee masuuliyiintii loo diray dugsiyada amarka jabiyey ayaa dugsiyadi u sii kala eexday qaarna ka leexday qaarna soo liis gareeyey, waxaanay dugsiyadii qortay arday ku soo koobeen toddoba dugsi, waxaanay shaaciyeen in rusqaddii laga noqdo toddoba iskuul, hadda garo oo dugsiyadii waaweynaa ee 11 fasal qortay kuma jiraan liiskan la soo dhajiyey.

Toddobadii dugsi sare ee rusqadda la kala noqday waxay la kulmeen wasiirka waxbarashadda waxaanay badka soo dhigeen khaladka ay wasaaraddu samaystay ee lagu kala jeclaysanayo dugsiyadda, wasiirku markiii uu dhgaystay doodda todoba iskuuul,isla markaana uu ogaaday in dugsiyo faro badan laga tagay oo arday qortay wuxuu soo saaray in uu ka noqdo go;aankiisii hore , waxaanu dib iskugu yeedhay dhamaan dugsiyadda gaarka loo leeyahay, waxaanu ka gar helay inay khalad sameeyeen,isna waxa lagaga gar helay in masuuliyiintii waxbarashadda ee dugsiyadda loo diray inay u kala eexdeen oo qaarna iska dhaafeen qaar soo diwaangaliyeen, maadaama oo dugsiyadda gaarka loo leeyahay ka wada siman yihiiin qorista ardaydan wali imtixaanka la soo dhajin, waxaanu xalku noqdo in la wada sii daayo, balse digniin la siiyo.

Wasiirka laftiisu waxa uu canaantay masuuliyiintii uu hawshan u xil saaray ee u kala eexday dugsiyadii, waxaanu ugu hanjabay inuu iyaga laftooda talaabo ka qaadi doono maadaama oo go’aankiisi xagal daaciyeen.

Hadaba, wasiirka waxbarashadda way ka go’an tahay inuu tayeeyo waxbarashaddi, laakiin hawshaasi waa ku kaligii, masuuliyiintii ka hooseysana lama shaqaynayan oo talaabo uu qaadaba waa la xagal daacinayaan, mararka qaarkood xaga sare ayaaba cabasho loo soo gudbinayaa waayo dugsiyada gaarka loo leeyahay waxa soo gasha lacag faro badan, waxaanay lacagtaasi u isticmaalan danahooga , cidii ka hor timaadda inta badan carqaladooyin kala duwan ayey u dhigaan waxaanay ka kasbadaan masuuliyiinta hoose laftoodda, taas ayaa keentay marka in go’aankiii hore laga noqdo.

Warbixin: Suxufi ,Barkhad-Ladiif M.Cumar

Kaafimedia/Hargeisa