Xisbiga KULMIYE oo Xaflad Soo Dhawayn ah u Sameeyey Qurba-joogga Gobollada Awdal iyo Salal

0
125

Boorama (Kaafimedia) xaflad soo dhawayn ah u sameeyey qaybo ka mid ah qurba-joogga Gobollada Awdal iyo Salal ee waqtigan ku sugan dalka oo si buuxda u taageeray xisbul-xaakimka.
Xaflad ballaadhan oo lagu qabtay huteelka SAW ee magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal maanta oo ay ka qaybgaleen madaxda heer gobol iyo degmo ee xisbiga KULMIYE, maayarka Boorama iyo maamulka gobolka ee xukuumadda, siyaasiyiin ka tirsan xisbiga iyo boqolaal taageerayaasha KULMIYE ah, ayaa lagu soo dhaweeyey qurba-jooggaasi.