Waa Kuma Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad Ee Golaha Wakiilladu Maanta Doortay ?/FAALLO/Khaddar Ali Khum.

0
100

Hargeisa(Kaafimedia)Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa cod caqlabiyadda ah ugu doortay Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee cusub Xildhibaan Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo Golahaas kasoo mid ahaa muddadda 12-ka ah ee cimriga u ah Golahan.

Guddoomiye Ayaanle ayey Golaha Wakiilladu Maanta ku doorteen cod-aqlabiyad ah oo dhan konton cod. Kadib banayntii Guddoomiye Cirro ee Guddoonka Golaha oo Baashe Maxamed Faarax-na loo doortay dhowaan Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland.

Shakhsiyadda Guddoomiye Ayaanle.

===============================

Guddoomiye Ayaanle, waa siyaasi dhalin yaro ah, isla markaana aad u fir-fircoon, kana soo jeeda gobolka Awdal, isagoo ka soo baxay Xisbigii UDUB. Waa shakhsi aad u dadnimo fiican oo leh dabeecad wanaagsan iyo aqoon dhanka diiniga ah iyo maadiga-ba ah. Taasoo keenaysa inuu isku waddo Golaha.

Md Ayaanle, waa siyaasi ku caan ah hadalka cad, isagoo aan ka gaban xaqa shakhsinimo iyo tan deegaanka laga soo doorto u doodisteeda, isagoo taageero weyna kaga kasbaday deegaankiisa intii uu siyaasadda dalka ku soo jiray ee uu Golaha Wakiiladda ka mid ahaa.

Ugu dambayntii, waa shakhsiga ugu haboon Golaha ee buuxiya kaalinta Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad Ee Golaha Wakiilladu Maanta Doortay. Iyadoo doorashadiisu sumcadda qaranka Somaliland wax weyn ka badelayso, maadaama oo ay Guddoomiyaha Golahaas iyo isagu-ba ka soo jeedaan beelaha darafyadda oo in badan la dareemayey inay ka maqan yihiin xilalka sare ee Golahayaasha dalka. Isagoo guushaa uu gaadhayna si weyn looga soo dhoweeyey Gobolka Awdal iyo guud ahaan-ba Somaliland, isla markaana mideeyey Xildhibaannadda Golaha Mucaarad iyo Mu’xaafad-ba.

Waxaanan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa Guddoomiye Ayaanle oo aan leeyahay Alle ha kugu asturo xilka qaranka ee laguu doortay

FAALLO/Khaddar Ali Khum,

Kaafimedia