Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Somaliya Ayaa La Kulmay Dhigiisa Dalka Masar Iyo Ujeedada Safarkiisa.

0
119

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid oo safar shaqo ku jooga dalka Masar, ayaa maanta kulan la qaatey dhigiisa Dalka Masar, ayagoo ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa hormarinta beeraha dibna loogu howl galin lahaa heshiisyo ay galeen labada dal sanadkii 2015-ka.

“Kulanka maanta aan la yeeshay wasiirka Beeraha Masar Dr. Abdulmuncim Albana waxu dabo socdaa fulinta heshiisyadii Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar ay dhawaan ku gaareen magaalada Qaahira waxaana ka wadahalnay sidii aan isaga gaashan laheyn Hormarinta Beeraha ” ayuu yiri wasiirka Beeraha XFS .

Ugu dambeyn Wasiirka beeraha Masar DR.Abdulmuncim Albana oo isna dhankiisa la hadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in maanta la hirgaliyay qeyb ka mid ah heshiiskii labada Madaxweyne.

“Manta Waxan hir galinaynay qeyb kamid ah qodobadii laga wada hadlay ee ku saabsana isfahamka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood, sidoo kale waxaan kawada hadalnay Wasiirka sidii loo abuuri lahaa Beer wadaag laga abuurayo soomaliya oo cabirkeedu uu gaarayo labo boqol oo Higtar.ayuu yiri DR. Abdulmuncim Albana

Kaafimedia,