Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo Isku Dhiibay Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo.

0
145

Arbaco, Augusto, 30, 2017 (Kaafimedia) – Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab uu isku dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan dhulka miyiga Garbahaarey.

Waxaa uu sheegay in sarkaalkan uu mas’uul uga ahaa Al-shabaab Tuulo lagu magacaabo Ceelguduud oo ay maamulaan Al-shabaab.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in sarkaalkan uu hadda u xiran yahay ciidamada dowladda Soomaaliya baaritaanna ku waddaan.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa ugu danbeyntii sheegay in sarkaalka isa soo dhiibay uu watay markii uu isku soo dhiibaayay ciidamada Qori iyo Bastoolad.

Kaafimedia.