Duufaan Horleh ku Dhufatay Jasiiradaha Caribbean-ka

0
121

Askar Maraykan ah ayaa Axaddii laga soo badbaadiyay jasiiradaha Maraykanka ee Virgin Islands

Duufaanta loogu magacdaray Irma ayaa la filayaa in ay noqota iyo mid halis ah iyadoo u sii dhawaannaysa, jasiiradaha Leeward ee Caribbean-ka.

Duufaantan heerkeedu yahay darajada koobaad ayaa si degdeg ah u sii xoogaysan doonta 48-da saac ee soo socota, jasiiradahaas ayayna ku dhufan doontaa Isniinta, sida ay ku warrantay waaxda qaran ee arrimaha duufaanta Maraykanka ee NHC loo soo gaabiyo.

Duufaantan ayaa u socota si aad ugu dhaw dhankii duufaanta Irma, taas oo bishan burburisay gobolka.

Digniinta duufaanta ayaa laga soo saaray Guadeloupe, Dominica, St Kitts and Nevis, Montserrat and Martinique.

Maraykanka, British Virgin Islands St Martin, St Barts, Saba, St Eustatius iyo Anguilla ayaa hadda igununa isha ku haya duufaanta.

Dabaylihii xoogga badanaa iyo roobkii horay saameeyay Florida

Qaar ka mid ah jasiiradahaas ayaa wali ka soo kabanaya dhibaatadii ay u gaysatay duufaanta Irma oo darajadeeda lagu sheegay heerka shanaad ee cabirka duufaanta.

Duufaantaas waxay galaafay nolosha 37 ruux, burbur malaayiin doolar gaaraya ayayna gaysatay.

bbc,