Shacabka Dalka Togo oo Qoonsaday in Hal Qoys 50 sano Xukumo Iyo Sobobta Keentan Wakhtigan.

0
126

Mudaaharaadyo lagu dalbanayo isbadal hoggaan ayaa kasoo cusboonaaday dalka Togo halkaas oo hal qoys ay ka talinayeen muddo 50 sano ah.

Waxa hadda Togo madaxweyne ka ah Faure Gnassingbe oo xukunka qabsaday sanadkii 2005-tii, isaga oo xilka kala wareegay aabihiis Gnassingbe oo madaxweyne kasoo ahaa dalkaas laga soo bilaabo sanadkii 1967-dii.

Banaanbaxyada looga soo horjeedo dowladda waxa ay biloowdeen bishii Agoosto ee sanadkan , waxayna ku faafeen dalka intiisa kale.

Inta badan banaanbaxyada waa kuwa nabdoon, balse waxa ay ahaayeen kuwa ay ka qeybgaleen dad aad u badan oo gaaraya illaa 800,000 qof sida ay sheegeen qabanqaabiyeyaasha. Dadka ku nool Togo waxa ay dhanyihiin 6.6 milyan oo qof.

Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Banaanbaxayaasha oo salaad tukanaya

Hoggaamiyeyaasha diinta ayaa maalintii axadda iyaguna taageeray dibad baxyada oo lagu dalbanayo isbadal dimoqoraadiyadeed.

Qodobka ugu weyn ee dadka ka banaanbaxayaan ayaa ah in xad loo yeelo muddada xilhaynta madaxweynaha iyo inta jeer ee dib loosoo dooran karo.

Baarlamaanka Togo ayaa dhawaan u codeeyay xeer ogolaanaya in labo mar lagu soo koobo xiliga madaxweynaha dib loosoo dooran karo, xiligaasna wuxuu ka bilaabanayaa doorashooyinka 2020-ka.

Hase yeeshee mucaaradka ayaa diiday go’aankaas baarlamaanka, waxayna ku tilmaameen qorshe ay dowladdu wadato oo lagu doonayay in madaxweynaha xukunka loogu sii hayo illaa sanadka 2030-ka.

Waxa ay mucaaradka doonayaan in uu madaxweynaha xilka ka dego si dhaqso ah, islamarkaasina aanan loo ogolaanin in uu dib isu soo sharoxo sanadka 2020-ka. Waxa ay ku doodayaan in madaxweynaha uu xilka hayay 3 kal oo ka badan intii loogu talogalay.

Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Madaxweyne Faure Gnassingbé ayaa aabihiis ka dhaxlay xukunka 2005tii

Ma ahan markii koowaad oo mucaaradka mudaaharaadyo ka dhigaan Togo, sanadkii 2005-tii illaa 500 qof ayaa lagu dilay mudaaharaadyo dhacay oo ay dowladda si xoog ah uga hortagtay.

Sanado aad u badan waxaa loo arkayay in gobolada Koonfureed ay saldhig u yihiin dadka mucaaradsan dowladda, iyada oo gobola waqooyi ay dowladda ka haysatay taageero ku filan.

Balse hadda waxa ay mudaaharaadyada ka dhacayaan magaalooyinka ugu waaweyn ee waqooyiga sida Sokode, Dapaong iyo Mango.

Hoggaamiyaha cusub ee saamaynta badan ee mucaaradka oo lagu magacaabo Tikpi Atchadam oo madax ka ah xisbiga PNP ayaa isna kasoo jeeda gobolada waqooyi ee Togo.

Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Tikpi Atchadam waa hoggaamiyaha mucaaradka, wuxuuna kasoo jeedaa gobolada waqooyi ee Togo oo ahayd halkii dowladda laga taageersanaa

Dowladda ayaa jartay qadka internetka ee loo yaqaano 3G si ay dadka uga hor istaagto in ay isticmaalaan baraha bulshada si ay ugu faafiyaan fariimahooda ay dowladda kaga soo horjeedaan.

Dowladda ayaa sidoo kale taageerayaasheeda ugu baaqday in iyaguna ay dhigaan banaanbaxyo ay dowladda ku taageerayaan.

Waxa ay sidoo kale ku eedeysay hoggaamiyaha mucaaradka in uu xiriir la leeyahay kooxo islaam ah oo hubeysan, balse ma aysan soo bandhigin wax caddayn ah.

bbc