Waraka Kenyan KaafiMedia Kenyan Waddo kale nooma furnayn in aan doorashada laalno mooyee

0
166

Garsoorayasha maxkamada ugu sareysa Kenya ayaa imika aqrinaya guddoon faahfaahsan oo ku saabsan sababta ay u laaleen oo ay waxba kama jiraan uga soo qaadeen dib u doorashadii madaxwayne Uhuru Kenyatta.

Ku xigeenka gudoomiyaha maxkamada ugu sareysa Kenya Philomena Mwilu ayaa sheegtay in guddiga doorashada ay diideen amarkii maxkamada ee ahaa in lagu soo wareejiyo faahfaahin ku saabsan nidaamka qalabka casriga ah ee doorashada.

Mrs Philomena ayaa sheegtay in ku guuldaraysiga IEBC ay ku guuldaraysteen in ay u hogaansamaan amarka maxkamada ay tahay mid u cadaysay maxkamada in ay run tahay eedeeynta NASA ee ah in la jabsaday qalabka doorashada.

Philomena Mwilu ayaa ku dhaliishay guddiga doorashada ee IEBC in ay ku guuldaraysteen in ay si buuxda u raacaan sharciga markii lagu guda jiray soo gudbinta natiijada doorashada.

Ms Mwilu ayaa tiri ” Haddii qadka taleefoonka uu shaqayn waayay aysan micnaheedu ahayn in tiknoolajiyada ay guuldaraysatay.”

Ku xigeenka gudoomiyaha maxkamada ugu sareysa ee Kenya Philomena Mwilu oo aqrinaysay qayb ka mid ah guddoonka ayaa sheegtay in guddiga doorashada oo ku guuldaraystay in ay u hogaansamaan shuruucda doorashada ay tahay mid cadaynaysa in ay jabiyeen sharciga.

Mid ka mid ah garsoorayaashii u codeeyay in doorashada waxba kama jiraan laga soo qaado ayaa maanta ka maqan golaha garsoorayaasha.

Gudoomiyaha maxkamada sare ee Kenya David Maraga ayaa u sheegay maxkamada in Smokin Wanjala, uu jiro safar dibadda ah balse uu saxiixay gudoonka kama danbaysta ah ee maxkamada.

Garoore kale oo lagu magacaabo,Maxamed Ibrahim ayaan isaga ka qayb galin dhagaysigii hore ee kiiskii ka dhanka ahaa doorashada ka dib markii uu xanuunsaday sida la sheegay.

Labadii garsoore ee ka soo horjeedsaday in doorashada waxba kama jiraan laga soo qaado ayaa iyaguna ka soo qaybgalay dhagaysiga gudoonka faahfaahsan.

Mr Maraga ayaa sheegay in garsoorayaasha ay aqrin doonaan oo kali ah gudoonka oo kooban islamarkana qoraalka oo faahfaahsan ay bixin doonaan.