Lacag dhan $ 1 million oo Dollar oo Loogu Deeqay Abaarta Soomaaliya Iyo Shuuradda lagu Xidhay.

0
115

Muqdisho (Kaafimedia) – Kulan gaar ah oo ka dhacday magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa looga hadlay dhibaatada ay reebtay iyo saameynta ka dhalatay Abaartii ku dhufatay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Kulanka oo ay ka qeybgalleen mas’uuliyiin kala duwan ayaa waxaa dadka Soomaaliyeed oo ay abaaruhu saameeyeen qaarkood loogu deeqey lacag dhan $1 million waxaana lacagaaasi ilaa 1000 Qoys Mobil-ka gacanta loogu soo shubay min $1000 dollar,iyadoo si tooas ah looga daawanayay Aalahaha Internetka.

Arrintani ayaa waxaa  kaalweyn ka qaatay koox Fanaaniin Caalami ah,kuwaasi oo dhowr jeer Soomaaliya u yimid si ay uga qey bqaataan sidii caalamka loogu gudbin lahaa dhibaatooyinka Abaarta ee ka jira Soomaaliya.

Abaarta ku dhufatay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya gaar ahaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa saameyn adag ku yeelatay dadka iyo duuniyada, iyadoo raadadkii ay abaartu ka tagtay wali ka muuqdaan qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Kaafimedia,Mudisho,