Xisbiyada Mucaaridka Oo Banaanka Uga Soo Baxay Shir Saddex Geesood Ah Oo Lagaga Doodayay Xeerka Saxaafadda + Xukuumaddana Eedeeyay.

0
97

Hargeysa (Kaafimedia) Saraakiil ka socotay labada Xisbi Mucaarad ee Somaliland WADDANI Iyo UCID, ayaa ku gacan saydhay in ay qayb Ka noqdaan oo ay saxeexaan xeerka anshaxa saxaafada xiliga doorashada Madaxtooyadda ee 2017. Saraakiisha Axsaabta Mucaaradka, ayaa sabab uga dhigay in ay diidaan kadib markii laga diiday in ay xubnaha gudida wax ku yeeshaan, iyagoo ku dooday in laga diiday in laba xubnood loogu daro.

sidoo kale waxay Saraakiisha labada Xisbi sheegeen in xeerka anshaxa saxaafada Iyo gudida la sameeyay iska maamushay Wasiirka Warfaafinta Somaliland. Sidaa awgeed aanay aqbalayn xeerka anshaxa saxaafada ee doorashada Madaxtooyadda Somaliland iyo xeerka anshaxa Axsaabta oo ay sheegeen in ay lifaaq raaciyeeen, kaas oo Sida ay sheegeen la tuuray. Shir jaraa’id oo shalay warbaahinta dalka kula hadleen ayaa hadaladooda waxa kamid ahaa; “shirkaas shalay (dorraad) tallooyin baanu soo jeedinay haddaanu asxaabta nahay. Tallooyinkii komishenka ayaa lagula noqonayay oo inan Looyar ah baa Komishenka meesha u joogay, nasiib darro inankii warkale ayuu goobta keenay, oo wuxuu yidhi “waa la diiday taladiinii lasoo jeediyay.

Haddaba su’aal baan weydiinayaa Komishenka ah; horta dalka saddex xisbi qaran baynu ku ogeyne, Afar xisbi qaran baa ka jira oon u malaynayo inay Komishenku aqoonsan yihiin, waana Xukuumadda, Xisbiga Kulmiye iyo labada xisbi ee kale. Goorma ayay xukuumaddu xisbi afraad noqotay? Dadka doodan sameynayay kala badh baa iyada ka socday, oo wasaaradda warfaafinta ka socday oo xukuumadda ahaa, xagan kale Kulmiye ayaa nagala doodayay, dee meeshiiba majority iyagay noqotay. Waxa weeyaan afkaar baanu soo jeedinay weliba xaqiiq ah.

Imikana waan idiin sheegayaaye, haddii guddidaa saxaafadda la samaynayay, waa inay ka koobnaadaan saddexda xisbi iyo SOLJA oo aanay cid kale ku jirin. Laakiin mid kale oo afraad, xukuumaddu waxay doonaysaa inay iyaduna xubno ka xukuumad ahaan soo gashato, xisbigii Kulmiyena isna xubno soo gashado oo ay Majority sidaa ku noqdaan, taasna waa mid aanaan aqbalayn.” Sidaasi waxa yidhi xoghaya warfaafinta xisbiga caddaaladda iyo daryeelka ee UCID Yuusuf Keyse Cabdillaahi.

Masuulyiinta xisbiyada mucaaridka Somaliland ee UCID Iyo WADDANI,  ayaa sidoo kale ku dooday in Cadaadis  Iyo culays aan loo baahnayn la saaray Komishanka doorashooyinka qaranka. Sidaa awgeed waxay ugu baaqeen Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo inuu dhegeysto baaqooda si doorashadu u noqoto mid aanay xukuumaddu fara gelin ugu samayn oo saaxad nadiif ah loogu tartamo.

“wax aanu saxeexnaa ma jiro waayo haddii ciidamadii ay dawladdii xukumayso oo aan weli wareegtadii lasoo saarin, oo Komishenkii aan awoodiisii la siin, oo dhaqaalihii dawladda lagu tagrifalaayo, oo shaqaale hoosaadkii iyo agaasimeyaashii dawladdu ay ololeynayaan dee wax tartan ah oo dhacayaa ma jiro. Waxaan soo jeedinayaa si dalka nidaamkiisa iyo shuruucdiisa loo raaco, inay u hogaansanto xukuumaddu, madaxweynuhuna soo saaro wixii sharci ah ee loogu leeyahay, ee kumishenka qaranku u leeyahay, inuu si degdeg ah usoo saaro, si xisbiyaduna ay u saxeexaan heshiiskaas, inta ka horeysa taas annagu halkan waxba kama saxeexayno.” Ayuu yidhi xoghayaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Mr. Uur-cadde.

Kaafimedia,Hargeisa