Deg Deg Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Goor Dhaw Ku Dhawaaqi Doona Murrashaxa Madaxwayne Ku Xigeenka Xisbiga UCID Iyo Shirwayne Golaha Dhexe Ee Xisbigu Ku Ansixinayaan Oo Goor Dhaw Ka Dhacaya Hargeysa

0
158

Gudoomiyaha ahna murrashaxa madaxwayne ee Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa goor dhaw ku dhawaaqi doona murrashaxa madaxwayne ku xigeenka xisbiga UCID ee u tartami doona doorashada madaxtooyada Somaliland.

Murrashax ku xigeenka oo lagu magacaabo rof Ahmed Abdi Muuse Abyan ayaa u tartami doona doorashada madaxtooyada Somalilad,waxaana masuulkan soo xushay murrashaxa xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.

Shirwayne ay golaha dhexe ee xisbiga UCID iskugu imanayaan maanta oo ka dhacaya huteel Adam’s ee magaalada Hargeysa ayaa lagu ansixinayaan masuulkan loo cumaamaday murrashax ku xigeenka xisbiga UCID oo lagu magacaabo Ahmed Abdi Muuse Abyan.

Murrashax ku xigeenkan lagu dhawaaqayo maanta ayaa kusoo beegmaya wakhti ay muddo kooban ka hadhsan tahay qabsoomida doorashada madaxtooyada Somaliland oo la filayo inay dhacdo 13 November 2017-ka.

Waraka Kaafimedia

Sadam guray

Borama Somaliland