Ballan-qaadyada Uu Cirro U Sameeyay Ciidammada Kale Somaliland & Cuqaasha Dalku, Ma Kala Cuslayn Karaan Kafadaha Miisaanka Tartanka Xisbiyada ?

0
114

Hargeysa, 25 September, 2017-(Kaafimedia) – Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa dhawaan ballan-qaadyo muhiim ah u sameeyay Ciidammada Qalabka sida, Shaqaalaha Dawladda iyo Cuqaasha Beelaha Somaliland, kuwaasi oo uu sheegay inuu fulin doono haddii uu ku guuleysto Doorashada Madaxtooyada ee Dalka ka dhacaysa Horraanta bisha 11-aad ee Sannadkan 2017-ka.

Musharrax oo hadal ka jeediyey Munaasibad lagu Daah-furayey Qaybinta Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashada Madaxtooyada oo bishii hore ee August, ayaa sheegay in haddii uu Doorashada Madaxtooyada ku guuleysto uu Ciidammada kala duwan ee Somaliland uu Mushaharka u kordhin doono boqolkiiba Laba Boqol iyo Konton, sidoo kalena uu Askari kasta u dhisi doono Hoy uu ku noolaado, waxaanu yidhi “Waxaan u ballan-qaadaynaa Ciidammada Somaliland Anigoon kala soocanayn inaanu Mushaharka u kordhinayno 250%, waxaanu ballan-qaadaynaa inaanu Askari kasta oo ka mid ah Ciidammada Somaliland u samayno Hoy uu ku noolaado.”

Sidoo kale, Musharraxa Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan-Cirro wuxuu ballan-qaaday inuu Mushaharka u kordhin doono Madax-dhaqameedka Dalka, gaar ahaan Cuqaasha Beelaha Somaliland oo uu xusay in Dawladdu midkiiba Mushahar ahaan u siiso 270 kun oo Shilin, “Waxaan ogaaday in Mushtamaca Qaybaha ugu liita inay ka mid yihiin Cuqaashu. Maalin dhawayd Nin Caaqil ah oo aanu wareysannay wuxuu nagu yidhi Mushaharkayagu waa 270 Kun oo Somaliland Shilin ah, hadda Caaqilku wuxuu ka masuul yahay Beel dhan, wuxuu ka masuul yahay Heshiisiinta, wuxuu ka Masuul yahay Amniga, wuxuu ka masuul yahay Magaha, ninkaa Caaqilka ah ee Beesha dhan ka masuulka ahi 270 kun oo Shilin buu qaataa, weliba haddii lagu arko meelahaa Mucaaradku (joogo) waxa la yidhaahdaa waa lagaa jarayaa 270-ka kun. Markaa waxaanu halkan ka caddaynaynaa in dhammaab Cuqaasha Somaliland inaanu Boqolkiiba laba Boqol aanu Mushaharka u kordhinayno.”ayuu yidhi.

Guddoomiyaha WADDANI, ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa kale oo uu fagaare ka sheegay in haddii uu Doorashada Madaxtooyada ku guuleysto uu samayn doono Nidaamka Hawl-galka Shaqaalaha, kaasi oo uu tilmaamay in aanay Somaliland lahayn, tahayna sababta Shaqaalaha Dawladdu marka ay hawl-gabaan aanay uga tagin Shaqada “Ilaa hadda Somaliland malaha Nidaamka hawl-gabka Shaqaalaha, Dadku waxay Shaqooyinka uga tagi waayeen waxay doonayaan waxay ku noolaadaan. Waxaanu ballan-qaadaynaa haddii ILAAHAY ka dhigo inaanu 2018-ka soo kordhino Nidaamka Hawl-gabka Shaqaalaha, Arrintaasi waxay fursad siinaysaa Shaqaaluhu inay Shaqada ka tagaan, waxa kale oo ay fursad siinaysaa inay Shaqada soo galaan Dhallinyaro faro badan..”ayuu yidhi.

Hasa-ahaatee, Dadka Reer Somaliland qaarkood oo la socday Ballan-qaadyadan tirada badan ayaa is-waydiinaya in Musharraxa WADDANI uu ballan-qaadyadan badan ee uu sameeyay Sidooda u fulin doono iyo inuu uga dan leeyahay Taageero uu doonayo inuu ka kasbado dhinacyada ay khusayso, Wallow Dadka qaarkood aaminsan yihiin in Ballan-qaadyadani ay miisaan ku kordhin doonaan Taageerada Cirro iyo Xisbiga WADDANI, gaar ahaan ballan-qaadka uu u sameeyay Cuqaasha Beelaha kala duwan ee Somaliland, maaddaama oo Cuqaashu horjoogeyaal ka yihiin Beelo isla-markaana qaarkood awood u leeyihiin inay jiheeyaan Dadka ay Matalaan.

Kaafimedia,Hargeisa