Wuxuu Hillary Ku Duri jiray Trump Oo La Taliyihiisii Falay.

0
110

Qareenka wiilka Donald Trump soddoga u yahay ee Jared Kushner, ayaa sheegay inuu u adeegsaday cinwaan email oo gaar ah shaqadiisa rasmiga ah ee uu ka hayo Aqalka Cad.

Kushner wuxu la taliye sare u yahay madaxweynaha waana ninka ay u dhaxday Ivanka Trump oo ah madaxweynaha inantiisu.

Warbixin uu soo saaray qareenkiisu, Axaddii, wuxuu ku xaqiijiyey in uu jiro email-kaa gaarka ah ee Jared adeegsaday.

Intii uu ku jiray ololihii doorashada, ayaa Trump wuxuu si isdaba joog ah ugu dhaliili jiray Hillary Clinton oo ay loolamayeen in ay hawlah dawladda u adeegsatay email-keeda gaarka markii ay ahayd wasiirka arrimaha dibadda.

Madaxweynaha wuxuu had iyo goor dadka fagaarayaasha isugu soo baxa ku boorrin jiray in ay ku dhawaaqaan “Hala xiroHillary” waxaanu wacad ku mari jiray in uu xiri doono maadaama oo ay sirtii dawladda dayacday.

Baaritaan lagu hayey arintaa ayaa markii dambe la soo gabogabeeyey iyada oon wax eedo ah loo soo jeedin Hillary Clinton.

Wargeyska Politico ayaa baahiyey in tobannaan email oo ay is weydaarsadeen Kushner iyo saraakiisha kale ee Aqalka Cad ay ku saabsanaayeen arimo badan oo ay ka mid tahay sida ay warbaahinta wararka u tebiso iyo qorshaynta ballamaha.

Ma jiraan wax caddaynaya in Kushner xogtaa dahsoon ee dawladda ama xog kale oo gaar ah uu cid kale ugu gudbiyey email-kiisa gaarka ah.

“Kushner wuxu u adeegsadaa shaqadiisa email-ka rasmiga ah ee Aqalka Cad” ayuu qareenkiisa Abbe Lowell ku sheegay warbixinta uu soo saaray.

Waxaanu intaa ku daray in xogtaa email-ka gaarka ah loo adeegsaday ay ahayd “qoraallo warar ah ama faallooyin siyaasadeeda oo inta badan qofka bilaabay in la isku diro uga danlahaa in la akhristo oo uu Jared u adeegsaday email-kiisa gaarka ah balse aanu u adeegsan email-kiisa Aqalka Cad”.

Xeerarka Federaalka waxay qeexaan sida loo ilaalinayo qoraallada la xidhiidha arimaha madaxweynaha iyo hawlaha kale ee dawladda.

Hadii qoraallada rasmiga ah loo adeegsado emaillada shakhsiga ah waxay taasi keeni kartaa in ay xogtaa heli waayaan warfidiyeenka, xeer dejiyeyaasha iyo dadka kale ee baahida u qaba in ay si sahlan u helaan xogta dadweynaha loogu talo galay.

bbc,Kaafimedia