Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa La Kulmay Boqorka Dalka Sacuudiga .

0
115

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta la kulmay Boqorka Dalka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis, waxayna labada masuul ay kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, dhaqaalaha, amniga iyo maalgashiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga uu hoggaaminayey ayaa  Shalay gaaray Dalka Sacuudiga  waxaana  halkaasi wafdiga Madaxweynaha uu horkacayo uga bilaabatay Booqasho rasmi  oo Labo maalin ah.

Safarkan waxaa ku weheliya Madaxwenaha Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya xubno uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar, waxaana booqashadan ay tahay middii Saddexaad ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago Dalka Sacuudiga.

Xigasho;radiomuqdisho,Kaafimedia