Naqshadaynta derbiga Mareykanka iyo Mexico oo billaabatay

0
112

Madaxweyne Trump ayaa arrintaas ayuu ballanqaaday xilligii uu ku jiray ololihii doorashadi Mareykanka ee sanadkii tagay.
Kooxda ilaalada xuduudaha ayaa sheegtay in afar naqshadood ay yihiin kuwo la taaban karo, halka inta kale si kala duwan loo sameyn doono.
Qorshaha wuxuu yahay in qeybo ka mid ah naqshadda derbiga la dhigo meel u dhow San Diego.
Donald Trump ayaa ballanqaaday in uu labada dal dhexdooda ka dhisayo “derbi wayn oo qurux badan”.

 

Ayadoo sharci adag uu jiro ayaa shaqaalaha waxay xireen dhul wayn oo isku xira derbiga oo u dhexeeya Ota Mesa, oo ka mid ah seddaxda marrin ee ugu waaweyn ee San Diego laga galo.
Naqshadaha la soo bandhigi doono waxay gaarayaan 300ft oo joogga ah iyo 30ft oo ballaca ah. Waxaana la filayaa in 30 maalmood gudahood lagu dhameystiro.
Markaa ka dib, waxaa seddax bilood la qiimeyn doonaa sida ay yihiin naqshadaha la soo bandhigi doono. Waxaa la eegayaa sida ay ugu adkeysan karaan waxyaabaha yaryar ee lagu garaaci karo, iyo muddada ay derbiyadaas jiri karaan.
Kaamerooyiin iyo qalab dhawaqa haddii la taabto ayaa lagu xiridoonaa marka dhismaha la dhameystiro.
Qeyb kastoo ka mid ah derbiga waxaa ku bexeysa $450 kun oo dollar, waxaana bixin doono qarashkaas laamaha federaalka oo horeyn cunna qabateyn loo saaray.
Sidoo kale, weli ma jiro heshiis hordhac ah oo laga gaaray $1.5 bilyan oo dollar, oo Trump uu ka codsaday Congress-ka si dhismaha loogu billaabo.
Xilligii uu ololaha doorashada ku jiray Trump wuxuu wacad ku maray in Mexico ay bixindoonto qarashka ku baxaya dhismaha derbiga.
Lahaanshaha sawirkaAFPImage captionHalkan, waa meesha lagu arkay derbiga ee Playas de Tijuana
“Waxaan naga go’an in aan ilaalino xuduudeena, taasna waxaa qeyb ka ah in aan xayndaab ka dhisno,” ayuu yiri Ronald Vitiello, oo ah ku xigeenka madaxa laanta ilaalada xuduuda.
Afar shirkadood ayaan u xulanay in ay dhisaan naqshadaha hordhaca ah, laakiin derbiga ugu dambeeya waxaa loo maleynayaa in yahay mid isku xiran oo hal naqshad leh.
Mr Trump ayaa sheegay in qeybo ka mid ah derbiga ay noqon doonaan kuwa la iska dhex arki karo, “si looga hortago maandooriyayaasha, loona arko waxa ay sitaan dadka ku soo dhowaanaya”.
Sidoo kale, wuxuu ku taliyay in solar lagu xiri karo meelaha qaar si danab looga dhaliyo.
Laakiin, Xeer ilaaliyaha guud ee California ayaa isku deyaya in uu hor istaago dhismaha derbigaas.
Maxkamad ku taalla San Diego ayaa isbuucii tagay ku dooday in dowladda ay ka hordheceyso maamulkeeda oo eegaya arrimaha deegaanka iyo shuruucda kale.

BBC,Kaafimedia