Xukuumada Somaliland Oo Hada War Rasmi Ah Ka Soo Saartay Maamulka Puntland

0
45
Hargeisa (Kaafimedia ) Waxa maalintii shalay qaybaha kala duwan ee Warbaahinta iyo Baraha-bulshada haysatay warar ka soo baxay maamulka Puntland ee Soomaaliya kaasi oo nuxur kiisu ahaa dagaal lagu soo qaado Jamuuriyadda Somaliland.
 
Somaliland Wax ay aqbashay dhamaan go’aamadii urur-goboleedka IGAD,Xafiiska wakiilka UNta u qaabil san Somaliland Iyo Somalia kuwaasi oo ahaa in shacabka walaalaha ah ay isku gudbi karaan, in hayadaha gar-gaarka dag dagu ay ka shaqayn karaan goobahaasi colaadu ka jirtay iyo in Ciidamada la kala qaado balse dhamaan arimahaasi waxa jabiyey Maamulka puntland ee uu masuulka ka yahay Cabdi weli Gaas.
 
Madaxda mudo kordhiska raba waxay maalin kasta Warbaahinta lasoo fadhiyaan kala fogaynta shacabka iyo waliba sidii ay fad-qalalo uga ridi lahayeen deegaanada nabada iyo horumarku ka jiro ee ka bad baaday maleeshiyadaas, Ciidanka Somaliland wali may gaadhin xuduuda rasmiga ah ee aanu leenahay taasi oo ah kambalka Caasimada maamulkaasi balse waxaanu tix galinaynaa oo dhawraynaa Shacabka deegaanadaasi oo aanu barakac u diidayno iyo si aysan cabsi badan uga dareemin ciidamadaasi dushooda yimid Tukaraqna waa deegaan Somaliland ka tirsan.
 
Dawlada Somaliland waxa ka go’an Nabad ku wada noolaanshaha wadamada jaarka ah balse ma aqbalayso cid kasta oo xuduudaheeda ku soo xad-gudubta, Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Ciidamada Qaranaka waxa ka go’an in ay sugaan  xuduudaha kala duwan ee dalka, waxaana digniin u diraynaa Maamulka Puntland ee Somaliya oo aanu leenahay nabad kuwada noolaanshaha mandaqada waanu tix galinaynaa hadiise aad tix galin waydaan waxaad la kulmi doontaan wixii aad hore ciidan ka xooga badan ee qaranka kala ku walan teen. 
 
Gaba-gabadii waxaanu fariin adag u diraynaa Maamulka Puntland ee Somaliya oo aanu leenahay hadii aad tix galin waydaan wada noolaanshaha iyo daris wanaaga waxaad mutaysan doontaan casharo badan oo dhaxal gal idiin noqda, Beesha Caalamka,urur-goboleedka IGAD iyo Xafiiska wakiilka UNta u qaabil san Somaliland Iyo Somalia waxaanu leenahay cidna ka aqbali mayno in ay ku soo xad-gudubto xuduudahayga.
Wabilaahi Tawfiiq
Alla Mahadleh
Kaafimedia Hargeisa Office.