Cabdillaahi Geel-jire Oo Farriimo U Kala Diray Taliye Caarre, Madaxweyne Muuse iyo Beelaha Somaliland.

0
100

Hargeysa(Kaafimedia):- Cabdillaahi Cismaan Jaamac (Geel-jire) oo xil Wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, kana tirsan Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, ayaa ka hadlay Tallawga Sarkaal Siciid Cawil Caarre uu ku tegay Puntland oo uu ugu baaqay inuu Somaliland kula soo noqdo Ciidanka uu wato, isaga oo sidoo kale Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisana u soo jeediyey inaanay cid kale wax ka sugin ee ay wax ka qabtaan arrinta Sarkaalkaas Ciidanka Qaranka ka goostay.

Cabdillaahi Geel-jire waxa uu sidaa ku sheegay mar uu shalay la hadlay Eryal TV, waxaanu sheegay in wakhtigan aan la joogin xilligii ay Jabhaduhu tamarin jireen loona baahan yahay inaan Jabhad Dadku taageerin, isaga oo tilmaamay haddii aan wada-jir wax looga qaban inay Ceeb ku tahay Somaliland in Cid ka tirsani Jabhad abuurto oo weliba Cid ay Somaliland is-hayaan Xadkooda u tallawdo.

“U malayn maayo in aniguna aan taageeri karo cid kalena taageerayso Somaliland dhexdeedaan Jabhad ka abuurayaa oo innagaa isu jabhadaynayna, taasi waxaynu aqbali karno maaha oo cidnaba aynu ka yeelayno Dadkeenna. Waxase agtaalla Muwaaddinka Sharaftaa ku lahaa Ciidanka Qaranka waxa uu ka cabanayo in xalka loo raadiyo oo Madaxweynaha, Masuuliyiinta iyo Dawladdu ay xalka raadiyaan oo ay Beeshiisu raadiso oo aynu kulligeen isugu tagno, waa innagu Ceeb maanta inaynu wakhtigan la joogo ee 2018-ka inaynu dhexdeenna isaga Jabhadayno, waa inaynu deg-deg wax uga qabannaa maaha in Qoloba Qolo tuhunto oo tidhaahdo; oo tidhaa Madaxweynihi nooma yeedhin ama Madaxweynuhu yidhaahdo cidi iima iman, laakiin inaynu wax ka qabannaa waa masuuliyad inna saaran oo cidna aan looga gabbanayn.” Sidaa ayuu yidhi Cabdillaahi Geel-jire.

Geel-jire oo Farriin u diraya Taliye Caarre iyo Madaxweyne Muuse Biixi, waxa uu yidhi; “Anigu ka shaqsi ahaan waxaan farayaa Mujaahidka Taliyaha ah ee Ciidanka la tallaabay, waxaan leeyahay Ciidankaa la soo noqo, u diyaar-garaw in arrinkaaga la galo oo aad Ciidankaa la soo noqoto, Cadawga ha u gelin, weliba Xuduud dagaal innaga dhexeeyaad u tallawday. Xukuumadda iyo Madaxweyneheeda oo aan Anigu Xisbigiisa (Kulmiye) ka tirsanahay waxaan leeyahay haku eegin cid kuu timaadda Madaxweyne ee Adigu Curinteeda la kaalay, Dadka aad u baahantay inay wax kaala qabtaanna iyagaa diyaar u ah inay wax kaala qabtaan, yaan la isku eegin baan leeyahay arrintan, Sharciga uu ku gefay iyo wixii hore waa wax gudeheenna ah ee yaan Xuduudda la iskala bixin baan leeyahay.”

Geesta kale, waxa uu Siyaasi Geel-jire Baaq u diray Odayaal Reer Sanaag ah iyo guud ahaan Beelaha Somaliland iyo Madaxda hadda talada haysa, waxaanu yidhi; “Odayaasha hadlay ee Bariga ka hadlay ee Ragga xidhan u hadlay waxaan leeyahay Gar baad u leedihiin inaad Cadaalad-darro haddaad dareentaan sheegtaan, waanan idinku taageersannahay, laakiin Hanjabaadi waa ku dheeraad, Dawladda idinkaa leh, waa la ogyahay Halgankaad u soo gasheen iyo sidaad halkaad joogtaan ugaga qaadateen iyo sidaad u xoraysay ee nabadda u samayseen, dawladdaad samaysateen hadday cabasho aad ka qabtaan jirto waa la eegayaa, laakiin, Hanjabaad iyo inaynu xaalad nabadgelyo-darro abuurno waa ku dheeraad hadalka, keligiinna hadalkaas u soo jeedin maayo ee maalinba Reer baa dawladda u soo hanjaba oo meel ka hadla.”

“Waxaan leeyahay waar reer Somaliland-noow dawladdeenna iyo Madaxdeenna yeynaan u hanjabin, dawladdeenna waxa ka qaldan aynu ku qabsanno, waxaynu talo u dhiibayno aan u dhiibno, waxaynu kaga cabanayno aynu kaga cabanno, taas cidna looga gabban maayo, laakiin haddaynu isu hanjabno waxaynu samaysannay innoo socon maayaan. Markaa, waxaan leeyahay Dawladda iyo Madaxdeeda maaha in maalinba Beeli u hanjabto, Madaxda Dawladdana waxaan leeyahay xilka iyo Madaxnimada ay iyagu weliba soo doonteen markii loo doortay, waa inay waajibka saaran ee markii la soo doortay fuulay waa inay si cadaalad iyo siniin ah u gutaan oo marka laga cawdo aanay u arag in Kursigooda lagu socdo.” Sidaa ayuu yidhi Cabdillaahi Geeljire.

Kaafimedia Hargeisa Office.