Gabadhii Ugu Horreysay Ciidanka Booliska Soomaaliya Oo Derajada Sarreeye Guuto Lagu Tolay.

0
55

Muqdisho, (Kaafimedia)-Ra’iisul-wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo Wakiil ka ah Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa Derajada Sarreeye Guuto u xidhay Sakiya Xuseen Axmed oo Khayre, waxaanu sheegay inay noqotay Gabadhii ugu horreysay ee Derajadaas ka gaadha Ciidanka Soomaaliya.

Ra’iisul-wasaaraha, ayaa Haweenka Soomaaliya ku bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jiraan dib-u-dhiska dalkaas, isaga oo sheegay in waqti dheer ay dedaal ugu jireen horumarinta Qarannimada Soomaaliya, muhiimna ay tahay in loo qiro; si guusha Qarannimada loo xaqiijiyo.

“Qaran quuleysanaya ma jiro haddii aan qayb waliba oo bulshada ka mid ah xuquuqdeeda la siinin. Haddii Gabdhaha Soomaaliyeed ay Bulshada ka yihiin Boqolkiiba Konton oo aan duudsiino Xuquuqdooda, ma dhisi karayno Soomaaliya la tartami karta waddamada deriska ah.” Sidaa ayuu yidhi Raysal-wasaaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Waxaanu Khayre oo sii wattay hadalkiisa intaas ku sii daray; “Gabadh walba oo Soomaaliyeed waxaan leeyahay haku fekerina in aad noqotaan gabdho garaadda qaata, ee noqda madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaarayaasha soo socda.”

Ra’iisul-wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu sidoo kale Derajooyin u xidhay Saraakiil ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo tababbarro ku qaatay gudaha iyo dibedda Soomaaliya, si ay qayb uga qaataan dardar-gelinta dedaallada adkaynta amniga dalka Soomaaliya.

Agoosto 16, 2018 ayaa Madaxwayne Farmaajo waxa uu Derajada Sarreeeye Guuto u dallacsiiyay Sakiya Xuseen Axmed, una magacaabay Taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaaliya, iyada oo noqotay Gabadhii ugu horreysay ee Derejadaas ka gaadha Ciidammada Booliska Soomaaliya.

Kaafimedia Hargeisa Office.