Somaliland Oo Soo Dhaweysay Ciidan Gaadiid Gaashaaman Watta Oo Ka Soo Goostay Puntland

0
103

Sool, (Kaafimedia)-Ciidan tiro badan oo ku qalabaysan gaadiidka gaashaaman ayaa shalay ka soo goostay Ciidanka maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, isla markaana si rasmi ah ugu soo biiray Ciidanka Qaranka Somaliland.

Ciidankan ka soo goostay Puntland oo si weyn maamulka Gobolka Sool iyo Madaxda ciidanka Qaranka ee halkaasi ku sugan ay qaabileen ayaa ka xog warramay sababta ay uga soo goosteen Puntland ee ay ugu soo biireen ciidanka Somaliland, waxaana ugu horreyna arrintaasi ka hadlay askari ka mid ahaa ciidankaasi ka soo goostay Puntland, waxaanu yidhi, “Annaga oo ka nimmi ciidankii Puntland oo ka mid ahayn dadkii la qalday, waxaanu shalay galab ka soo kicitinay goobta la yidhaa God Qaboobe, markaa wixii hore la noogu sheegay been ayey aheyd oo waxba kama jiraan oo dantayada iyo dadkayaga ayaanu soo aadnay”.

Sidoo kalena, Askari kale oo ka mid ah ciidanka ka soo goostay Puntland ayaa isaguna waxa uu yidhi, “Waxaanu aheyn ciidan beeleedka degan aaga Yagoori ee saldhiga 7aad, markaa waxaanu aheyn laba qaybood oo kala ahaa qolo xaga Somaliland ku qarameysneyd, iyo qolo kale iska jabhad ahey oo run mooday durbaanadii laga tumayey Puntland, markaa waxaanu soo ogaanay in aanay waxba ka jirin taasina, sidaa awgeed waanu iskaga nimid oo waxaanu ku soo noqonay dadkayagii iyo dalkayagii iyo ciidankayagii”.

Dhinaca kalena, masuuliyiinta Gobolka Sool iyo Madaxda Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa si diiran u soo dhaweeyey ciidankaasi ka soo goostay Puntland.

Abaanduulaha qaybta 7aad ee Ciidanka Qaranka ayaa ka hadlay ciidanka ka soo goostay Puntland, “Waxaan halkan ku soo dhaweynayaa ciidan ka soo goostay maamul gobolleedka Puntland oo markii hore ahaa ciidanka Somaliland, balse lagu qalday abtirsiimo been ah, kadibna arkay dantoodii iyo aayahoogii, waxaan leeyahay dadka yaan la qaldin ummaddu danteeda ayey ilaashanayaan, waxaanan ugu baaqayaa ciidammada kale ee ku hadhay inay dantooda gartaan oo ay isaga yimaadaan, waxaanad ogaataan ciidanka Dhulbahante taliskiisu waa annaga”.

Ugu dambayntiina, Guddoomiyaha Gobolka Sool ayaa farriin dardaaran ah u gudbiyey ciidanka ka soo goostay Puntland, “Walaalayaal waan idin soo dhaweynayaa oo dadkiina iyo dalkiina iyo ciidankiina Qaranka Somaliland ayaa idiin baahan, ciidanka aad ka timaadeena waxaan leeyahay dadka dhibaatada ka daaya”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Sool.

Kaafimedia Hargeisa Office.