Somaliland Oo Xabsiga Ka Sii Deysay Laba Wasiir Oo Kililka 5aad Ka Tirsanaa, 14 Gaadhi Oo Laga Soo Billiliqaystayna Ku Wareejisay Itoobiya.

0
100

Wajaale (Kaafimedia)-Xukuumadda Somaliland ayaa gaadiid tiradiisu dhantahay 14gaadhi oo laga soo billiliqaystay dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya muddadii ay rabshaduhu ka socdeen oo lala soo tallaabay isla markaana lala soo galay dalka Somaliland dib ugu celisay dalkaasi Itoobiya.

Xaflad gaadiidkaasi lagu kala guddoomiyey ayaa lagu qabtay magaalada Wajaale waxaana ka hadlay masuuliyiinta labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya iyo waliba shacbiga laba dal.

Guddoomiyaha ku xigeenka Gobolka Gabiley Cali-case ayaa ugu horreyn faahfaahin ka bixiyey gaadiidka laga soo billiliqaystay Itoobiya ee ay Xukuumadda Somaliland dib qabatay oo dib ugu wareejinayso Itoobiya waxaanu yidhi, “Gaadiidka laga soo billiliqaystay Itoobiya muddadii ay rabshaduhu ka socdeed dawlad deegaanka Soomaalida ee lala soo tallaabay  waxay isugu jiraan laba nooc oo kala ah qayb qayb dadkii lahaa ay halkan joogaan iyo qayb kale oo labada taariko ee labada dal ba lahaa, sidaa daraadeed maadaama oo ay dhacday arrintaasi oo aanu qabanay, waxaanu nidhi inta laydin kala wareegayo haya sidaa awgeed ayaanu hadda Gaadiidkaasi u wareejinaynaa”.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeyo Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) ayaa isaguna ka warramay sidii ay Somaliland uga hawl gashay ilaalinta xuduudka, waxaanu yidhi, “Annaga oo fulinayna awaamiirta Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaanu xidhnay dhammaan xadka, iyadoo aanu u diyaar garoobayno in wixii billiliqo ah ee soo galo in la qabto, waxaanu Ciidanka Boolisku ku guuleystay inay qabtaan Gaadiidkaasi oo ay nabad ku hayaan oo ay ku wareejiyaan, shacbiga reer Itoobiya ee halkan degani waxay na tuseen dareen qiiro leh oo ay nagu soo dhaweeyeen, waxaananu leenahay walaalo ayeynu nahay ee noolaada”.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye, ayaa isaguna sheegay inay Somaliland waajibkeedii ka guddatay xaaladda Itoobiya ka jirtay, waxaanu yidhi “Itoobiya waa dal aynu deris nahay oo ALLE inoo dooray, dadkiisana walaalo ayeynu nahay markaa waanu guddanay waajibkayagii wixii dambe ee ka yimaadana waanu qaban doonaa, haddii ay tahay wixii xidhadhka ku jira ee wali xagayaga u soo gudbin oo gacanta ayaanu ku dhigi doonaa”.

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay Gaadiidka ay leeyihiin dadka reer Somaliland ee lagu haysto magaalada Jigjiga, “Waxa jira gaadiid reer Somaliland leeyihiin oo yaalla Jibriga magaalada Jigjiga oo muddo lagu haystay, waxaananu doonaynaa in gaadiidkaasi la noo daba galo oo xogtooda qaarkood waanu idiin soo gudbinay, kuwa kalena waanu idiin soo gudbin doonaa”.

Dhinaca kalena, Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga ka sii deysay laba Wasiir oo ka tirsanaa Xukuumadii Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee oo dhawaan lagu qabtay gegida diyaaradaha ee Caasimada Hargeysa, labadaasi Wasiir oo kala ahaa Ibraahim Aadan Mahad (Ibraahim-Sacad), oo ahaa wasiirkii hore ee waxbarashada, iyo Cabdijamaal Axmed Qaloombi, oo ahaa wasiirkii hore ee cadaaladda.

Labadan wasiir ayaa waxa xabsiga loogu taxaabay amase lagu eedeeynayey inay sifo aan sharci ahayn ku soo galeen Somaliland.

Haddaba, sii deynta labadan Wasiir waxa idaacada BBC-da u cadeeyey Wasiirka arrimaha Gudaha JSL Md Maxamed Kaahin Axmed.

Kaafimedia Hargeisa Office.