“Qof Wuxuu Ku Odhanayaa Lacagtaadii Waxa Qaatay Siilaanyo, Ama Cali-Mareexaan, Qof Na Wuxuu Ku Odhanayaa Waxba Naguma Lihid…”-Faarax Cawad Madoobe.

0
140

Hargeysa (Kaafimedia)-Muwaadin ka mid ahaa shaqaalihii waddada Ceerigaabo iyo Togdheer isku xidha ayaa cabasho ba’an ka muujiyey deyn lacageed oo uu ku lahaa xukuumadii hore oo aheyd lacagtii kuuliga ee uu ku shaqeynayey muddo laba sanadood oo ilaa hadda ka maqan, isla markaana aan laga qancin sababta ay uga maqan tahay iyo halka uu ugu haggaagayo lacagtaas, sidaasi awgeedna waxa uu farriin cabasho ah u diray Madaxweynaha JSL.

Muwaadinkan cabashada ku dhawaaqay oo magaciisa la yidhaa Faarax Cawad Madoobe, ayaa markii u horreysay u warramay ERYAL TV, waxaanu ugu horreyn faahfaahin ka bixiyey deynka lacageed eek u leeyahay Xukuumadii hore ee Madaxweyne Siilaanyo iyo dhibaatada ka soo gaadhay, waxaanu yidhi  “Waxaan ka mid ahaa dadkii shacabka ahaa ee ka shaqaynayey waddada Ceerigaabo iyo Togdheer isku xidha, markaa 2016kii iyo 2017kii labadaasi sanadoodba lacagteydii waan leeyahay”. Faarax waxa uu intaasi ku daray, “Qof wuxuu ku odhanayaa lacagtaadii waxa qaatay Siilaanyo (Madaxweynihii hore), qof wuxuu ku odhanayaa lacagtaadii waxa qaatay Cali-mareexaan (Wasiirkii hore ee Hawlaha guud), qof wuxuu ku odhanayaa waxba naguma lihid, gaadiidkii lacagteyda la soo siiyeyna waa kaa waddada ka shaqeeya”.

Faarax Madoobe, waxa kale oo uu farriin hanjabaad ah u diray bulshada, “Dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland shicib, culimo, iyo tujaar ba waxaan u sheegayaa waxaan xidhayaa waddada la yidhaa qabyo-tira, umana jeedo reer iyo cid kale toona uma jeedo ee xamaalkaygii ayaan doonayaa”.

Intaasi ka dibna, Faarax waxa uu farriin u diray Madaxweyne Muuse Biixi, “Madaxweynaha, waxaan u sheegayaa haddii aad adigu naga qaaday, iyo haddii aad ciidamo noo soo dirayso, iyo haddii aad waxayagii na siin laheyd ba, waxaanu nahay dadkaa kuuliga ah ee  dulman, kuwaa hore ee baxayna waxay ku baxeen caddaalad darradaa, annaguna waanu ka daba baxaynaa, waayo kuuli baanu nahay oo laba sanadood ayaanu ku wareegaysanayaa wasaaradaha oo kabihii ayaa naga dhammaaday oo nooca aanu u eegnahay waad aragtaa”. Ayuu yidhi Muwaadin Faarax Cawad Madoobe

Kaafimedia