Guddidii U Xilsaarnayd Lasoo Wareegidda Maamulka Haamaha Shidaalka Oo Ka War-Bixisey Halka Ay Wax U Marayaan.

0
106

Hargeisa, (Kaafimedia) – Guddidii uu dhawaan Madaxwaynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi u xilsaaray inay kusoo wareejiyaan Maamulka Haamaha Shidaalka ee Berbera gacanta dawladda oo ka kooban Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda  Md Yuusuf Maxamed Cabdi, Wasiirka Ganacsiga Md Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), Maareeyaha Hay’adda Duulista Madaaradda, Xisaabiyaha Guud iyo Hantidhawraha Guud ee Qaranka ayaa tafaasiil ka bixiyey halka ay marayso hawshii loo xilsaaray ee lasoo wareegista haamaha shidaalka Berbera.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland Md Yuusuf Maxamed Cabdi, kaas oo sheegay inay si fiican u  socoto hawshii guddidooda uu Madaxwaynuhu u xilsaaray, isla markaana aanay wali la wareegin maamulkii haamaha shidaalka, balse ay degdeg dhawaan ula wareegi doonaan.

Wasiir Yuusuf waxa uu sharaxaad ka bixiyey qorshaha xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi ee ku aaddan marka ay la wareegaan maamulka Haamaha Shidaalka Berbera, kaas oo  tibaaxay inay dawladu qorshaysay inay iyadu soo iibsato shidaalka isla markaana ay bulshadda u fidiso adeeg  hufan oo ka fudud kii hore.

Guddidaas ayaa waxay sidaasi ku sheegeen shirjaraa’id oo ay ku qabteen Xafiiska Wasiirka Ganacsiga.

Ugu horayna isagoo Wasiirka Horumarinta Maaliyadu arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay   “Waxaanu halkan si waafi ah oo cad aanu u cadaynaynaa in masuuliyadii, maamulidii iyo gacan ku hayntii wali ay hayso shirkadda hore gacanta ugu haysay Haamaha Shidaalka ee Berbera ee la yidhaahdo Berbera Oil Group (BOG), kuwaas oo ku dhawaad ka kooban 11 Shirkadood, isla markaana tiro saami-lay ah oo 50 kor u dhaaftayna ay wadaagaan, iyadoo la gaadhay oo la joogo xiligii ay dawladu iyadu ay soo gaddan lahayd shidaalka isla markaana aanu haamaha kaydka shidaalka ku shuban lahayn, kaas oo aanu doonayno adeeg hufan oo nadiif ah, isla markaana bulsho-waynta Somaliland ee kala duwana u noqda Tudhaale”.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Md Yuusuf  Maxamed Cabdi isagoo ka jawaabay su’aal laga waydiiyey xiliga ay xukuumadu si rasmi ah ula wareegayso maamulka haamaha shidaalka Berbera, waxa uu yidhi “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan wasaaradda ganacsiga oo hawshani hoos imanayso iyo guddidii oo gacan ku siinaysa waxay maamulka haamaha shidaalka Berbera ula wareegayaan sida ugu dhakhsanaha badan, isla markaana ugu suurta-galsan, markaa haddii Alle yidhaahdo sida ugu dhakhsaha badan baanu ula wareegaynaa”.

Dhinaca kale Wasiirka Ganacsiga Md Maxamuud Xasan Sacad (Saajin)  oo isaguna halkaasi ka hadlay, isla markaana ka warbixinaya halka ay wax u marayaan, waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Guddidani waa guddidii Madaxwaynuhu u igmaday inay wareejiyaan hantida qaranka ee ay ka midka tahay haamaha Berbera, hawshaa guddidu way dhexgashay cidii ay khusaysay oo ah baayac-mushtarigii hore loogu wareejiyeyna waa loo yeedhay, iyadoo aanu hawshaasna aad uga wada hadalnay, maadaama oo ay yihiin baayac-mushtarigii qaranka oo ay yihiin cashuur bixiyeyaal, si fiican oo sharaf leh ayaanu u wada hadalnay waananu isku afgaranay in si dedgeg ah loola wareego maamulka haamaha”.

Kaafimedia Hargeisa Office,