UCID Oo Soo Jeediyey In Tallaabo Laga Qaado Kornaylka Cadhada Ku Maqan & Ciddii Baahisa Wararka Lid Ku Ah Ciidammada Qaranka.

0
95

Hargeysa, 29 August, 2018 (Kaafimedia )–Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa ka digay in Warbaahintu faafiso Wararka lidka ku ah Ciidammada Qaranka Somaliland, ka dib markii Warbaahintu bilowday baahinta Wararka Ciidammada, tan iyo intii uu Kornayl Caarre oo cadhooday sheegay inuu ka goostay Ciidammada Qaranka isla-markaana ku dhawaaqay inuu samaynayo Jabhad ka soo horjeeda Dawladda.

Xisbiga UCID wuxuu Madaxweynaha Somaliland u soo jeediyey in Tallaabo laga qaado Suxufiyiinta baahiya Wararka lidka ku ah Midnimada Ciidammada kala duwan ee Qaranka, si looga hor-tago Tafafaaruq ku yimaadda Ciidammada.

Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UCID Cabdinaasir Buuni oo Shalay hadal ka jeediyey Munaasibad loo sameeyay Dufcaddii 15-aad ee ka qalin-jebisa Jaamacadda Hargeysa, ayaa isagoo Madaxweynaha oo Xafladda joogay si toos ah ula hadlaya yidhi “Madaxweyne, waxa la bilaabay in wax laga sheego Ciidammada Qaranka Somaliland, arrintaas waa in Sharci laga soo saaro, waa inaan la siyaasadaynin Ciidammada kala duwan ee Dalkani leeyahay, waa inaan Ciidammada lagaga hadal baraha Bulshada (Internet-ka), Saxaafadda ka hadashana waa in Tallaabo Sharciga waafaqsan laga qaado, Waayo? sirta keliya ee dalkani leeyahay waa Ciidammada Qaranka, in laga hadlo ogolaan mayno.”

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee UCID wuxuu Madaxweynaha u soo jeediyey in la aasaaso Cisbitaal gaar u ah Ciidammada “Madaxweyne waxa kale oo aanu kuu soo jeedinaynaa inaad samayso Cisbitaal ay Ciidammada Qaranku leeyihiin oo Caafimaadkooda lagu baadho oo daryeela, Waayo? kii goostaba Mujaahid baa lagu sheegi, si kii dawakhaad ku soo socoto inta la qabto la daryeelo, haddii kale waxa dhacaysa in Nin waalan la buunbuuniyo oo la yidhaahdo Dalkii baa isku dumaya ee Hebel ha lala hadlo, Cid lala hadlayaa ma jirto, Dalkana wuu soconayaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Tallaabo laga qaado kornayl Caarre oo dhawaan ka goostay Ciidammada Qaranka “Ninkaa Caarre ee baxayna in Tallaabo Sharciya oo Dawli ah in laga qaado ayaanu Xisbi ahaan soo jeedinaynaa, Dalkani kuma soconayo Hebel baa baxay.”

Cabdinaasir Buuni wuxuu farriin u diray Dadka inta badan hadal-haya Kornaylka ka goostay Ciidamada Qaranka “Annaga Suldaan Wabar ayaa noo baxay Maantana Cidlo ayuu fadhiyaa, taasina waxay ku timid waalla isku joojin waayay oo Dawladnimadaa sarraysay, markaa Dadka ku dawakhay hebel baa baxay, waxaanu idiin soo jeedinaynaa Dalkani Maalin Qarannimadiisu ka adag tahay ma jirto, Ciidammada Qarankana waanu ku kalsoonahay, waa kuwa lagu seexanayo ee lagu soo toosayo.” Ayuu yidhi.

Dhinaca kale, Madaxweyne Muuse Biixi ayaa isaguna isla markiiba ka dareen celiyey aragtiyaha iyo talooyinka xisbiyada ee ay ku soo bandhigeen khudbadihii ay ka jeediyeen xaflada qalin jabinta jaamicada Hargeysa, waxaanu yidhi “Dhammaan waxaan qaatay wixii talo iyo tusaale ahaa ee halkan ay ka yidhaahdeen madaxda axsaabtu, hadaladaasi waxay u badnaayeen oday ayaad tahay ee dadka isu soo jiid oo midee  marxaba iyo guddoon oo waan aqbalay.

Waxaynu u samaynsanay dawladda oo madaxweynaha loo doortaa inay aroor walba iyo saacad walba dhibaatada taagan xaliyaan taasina aad iyo aad ayaan u garanayaa in dhibaato kasta oo dalka taalla ha weynaato ama ha yaraatee aanu xalino ka dawlad ahaan gaar ahaanna go’aanka u danbeeya in anniga layga sugaayo aad iyo aad ayaan u garanayaa waana guddoon kii cadhaysan inaynu maslaxno, kii gardarran inaynu u dul-qaadanno intaba diyaar ayaan u ahay waanan ogolahay dhawr iyo soddonkii sanno ee u danbeeyayna dalkan goob joog ayaan u ahaa sida wax loo waday iyo siday ku socotay ba hal mid ayaan sheegayaa qofka wax tabbanayaa waa inuu si miyir qabta wax u sheegtaa midna waan leeyahay oo qori baan wax ku xalinayaa ma dhici karto, qori baan soo qaadanayaa haddaan tayda la yeelin taasi waligeedba mamnuuc ayey inaga aheyd ha la wada hadlo oo shaydaanka ha la iska naaro oo qoriga innaga daaya waanan ogolahay dhammaan wixii lay faray”. Ayuu yidhi Madaxweynaha JSL

Kaafimedia Hargeisa Office.