Qatar iyo xulufada Sucuudiga keebaa u wanaagsan Soomaaliya?

0
76

Mac-hadka cilmi-baarista siyaasadda ee Heritage ee ku yaala Muqdisho ayaa daraasad cusub kasoo saaray wax uu ku tilmaamay ‘gebi-dhaclaynta’ siyaasadda arrimaha dibedda ee dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna mac-hadka soo jeediyay tallooyin ‘wax-ku-ool ah’.

Gefafkii Taariikhda

Daraasadda waxaa lagu bilaabay gefafkii waaweynaa ee xagga dublamaasiyadda ee taariikhda ka dhacay Soomaaliya, waxaana tusaale loosoo qaatay in markii uu dhacay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya sanadkii 1977-dii.

Waxaa daraasadda lagu sheegay in waraaqo sir ah oo uu faafiyay bogga seeri-afuufka ee Wiki Leaks uu soo bandhigay caddeymo ku saabsan in xulufadii Soomaaliya ee Sucuudiga, Liibiya iyo Yemen iyo xitaa Maraykanka ay la safteen Itoobiya, taasna ugu wacnayd gefkii dublamaasiyadeed ee ay gashay.

“Taas waxa ay jabisay qabkii ama isla qabweyninkii Soomaalida, xukunkii kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre kama uusan soo kabsan dhibaatadii kasoo gaartay dagaalkii Itoobiya” ayaa lagu yiri daraasadda.

Khilaafka Khaliijka

Daraasadda ayaa aad loogu lafo gurey in go’aankii dhexdhexaadnimada ee ay Soomaaliya ka qaadatay khilaafka dalalka Carabta ee xulufada Sucuudiga oo dhinac ah iyo Qatar oo dhinac.

Waxaa lagu sheegay in ay dowladda Soomaaliya loo arkay in ay u janjeerto dalka Qatar, balse ay dad badan la yaabeen, waxa ay ugu xilatay Qatar, kuna lumisay kalsoonida dalalkii xulufada soo jireenka ahaa sida Sucuudiga, Imaaraatka iyo Masar.

“Xitaa booqashooyinkii madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre ay ku tageen Riyadh iyo Dubai ma aysan soo hagaajin xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo dalalkaas” ayaa lagu yiri daraasadda Heritage, oo intaas ku dartay in Sucuudiga uu Soomaaliya dib ugu soo celiyay 27 kun oo ari ah, xilli lagu dhowyahay munaasabadda Ciidda Carafada oo xoolaha la qalo.

Waxaa xusid mudan in tallaabada Sucuudiga ay kusoo hagaagtay maalmo uun kadib markii dowladda Soomaaliya ay la safatay Sucuudiga markii ay is qabteen Canada, go’aankaas oo daraasadda ay ku tilmaamtay mid uu degdeg badan ka muuqday.

Tallooyin

Daraasadda waxaa lagu soo jeediyay tallooyin dhawr ah, waxaase ugu muhiimsan labo talo.

Tan koowaad waa in siyaasadda arrimaha dibedda lagu dhiso wax loogu yeeray ‘dublamaasiyadda ganacsiga’ taas oo ah in go’aamada lagu saleeyo hadba danaha ganacsi ee Soomaaliya.

Sucuudiga waxa ay dhoofsadaan inta badan xoolaha Soomaaliya, halka Imaaraatka uu yahay dalka ganacsiga ugu badan ay la leedahay Soomaaliya dalalka adduunka oo dhan.

Daraasadda ayaa waxaa lagu sheegay in dhanka kale Qatar aysan jirin wax la taaban karo oo ka dhaxeeya, sidaasi oo ay tahay saamayn badan ay ku yeelatay dowladda Soomaaliya.

Tallada labaad ayaa ah in inkasta oo dastuur ahaan dowladda dhexe xaq u leedahay dajinta siyaasadda arrimaha dibedda, haddane ay wanaagsanaan lahayd haddii ay la tashan lahayd dowlad goboleedyada iyo dadka kale ee saamiilayaasha dalka ah.

bbc

Kaafimedia