Xildhibaan Golaha Wakiiladda Somaliland Ka Tirsan Oo Ka Dhawaajiyay Dhacdo Layaab Ku Noqotay Shacabka Reer Somaliland Oo Dood Culus Iyo Falan Qayn Xoogleh Abuurtay.

0
213

“Waxaa Manaam Iigu Yimid Alle Ha U Naxariistee, Raggii Mujaahidiinta Ahaa Ee Dhintay Ee La Kala Odhan Jiray Mujaahid Lixle,Harag Waafi, Maxamed Cali Iyo Xuseen Dheere”.Xildh Nac Nac

Hargeysa(Kaafimedia) – Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac Nac) oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa ka dhawaajiyay Dhacdo layaab ku noqotay Shacabka Reer Somaliland kadib markii uu Shalay Warbaahinta ka sheegay inuu manaam ku arkay Alle ha unaxariistee qaar ka mid ah Hogaankii Jabhadii SMN ee Shahiiday, taasi oo uu sheegay inay ka soo kaceen Luxudka islamarkaana ay ku amreen inuu hurdada ka kaco oo uu fariin uu warbaahinta ka sheegay gaadhsiiyo rag uu sheegay inay ka falaagoobeen Ciidanka Qaranka Somaliland, islamarkaana ay u galeen Cadawga.

Xildhibaan Nac Nac oo Arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi“Riyo iyo Garab Salaax ayaan leeyahay,waxaa Manaam iigu yimid Alle ha u naxariistee, Raggii mujaahidiinta ahaa ee Dhintay ee la kala odhan jiray Mujahid Lixle,Harag waafi,Maxamed Cali Iyo Xuseen Dheere, Raggii ragga ahaa ee wadankan u soo baaba’ay ee u shahiiday, ayaa Qabrigii ka soo kacay, Waxay yidhaahdeen miyaanu ogayn ninkani(Caare) waddankan waxaanu u soo marnay,ee aanu u soo baaba’nay ee lanoo gumaystay,ee aanu ka gilgilayna, ee aanu wadankii ka xoraynay, ee Illaahay nooga hiiliyay miyaanu ogayn, haddaanu ogayna u sheegga”.

Waxa kale oo uu yidhi sidan“Waxaan leeyahay Caaraw wadankan wixii loosoo maray hadaanad ogayn, imika ayaa laguu sheegayaaye ogaw, wixii loosoo maray,waxaad ka cabanayso waa halkeeda, waad ka hadli kartaa oo waa lagaa qancin karaa, laakiin maaha inaad jabhad dalka ku soo furto, raggii dalkan Xoreeyay ee raggaasi sare ku xusani ka mid yihiin waxay ku yidhaahdeen, Allahaa haddii uu Alle yahay,ku soo noqo dalkaagii, adiga oo caadi oo dalka jecel, dadkana isaamaxa dheh, lixle ayaan arkay, Maxamed Cali ayaan arkay, Harag waafi ayaa arkay,Xuseen Dheere ayaan arkay, intuba waxay yidhaahdeen abti ka kac meesha, abtiyaashay ayay ahaayeen,waxa wadanka ka socda ayay diideen oo ninkaasi Caare kolba meel uu isasoo taagayo, waxay yidhaahdeen u sheegga maanta wadankii aanu ku soo baaba’nay inuu nin intuu Garowe tago uu yidhaah halkaasi ayaan ka soo jabhadaynayaa waa xaaraam”

Ugu dambayn waxa uu fariin u diray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi“Madaxweyne Muuse Biixi waxaan leeyahay waxay nimankani ka cabanayaan hala eego,waa haddii ay wax macquul ah ka cabanayaan,laakiin la hadli mayno waa qalad,Madaxweyne ayaa tahay waa inaad tabashada dadka hoos u eegto oo aad dhugato,markaa dadka Qancin ayaanu leenahay oo nimankaasi iyo dadka kaleba qancin”. Ayu hadalkiisa ku soo gunaanaday.

foore

Kaafimedia