Warbixin Ay Reuters Qortay Oo Soo Bandhigay Sida Ay UAE Awoodeeda Ugu Fidisay Dunida Oo Ay Somaliland Ku Jirto

0
86

Hargeysa(Kaafimedia)-Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa warbixin dheer oo falanqayn ah ka diyaarisay saamaynta ay dawladda Imaaraadka Carabtu ku leedahay siyaasadaha dunida iyo qaaradda Afrika.

Warbixintaasi, waxa ay soo bandhigtay kala fogaanshaha taariikhii hore ee Imaaraadka Carabta iyo doorka uu maanta ka ciyaarayo xaaladaha siyaasadeed ee gobalka iyo guud ahaan dunidaba. Warbixintu waxa ay tilmaantay in aqoonyahanka darsa xidhiidhka caalamigu ay hadda ku qabsanyihiin inay indho feejigan ku eegaan dalka Imaaraadka Carabta oo ay siyaasadiisa hagayaan hoggaamiyayaal da’ yar oo dhiiran. Warbixintaas oo uu wargeyska Geeska Afrika soo turjumay waxa ay u dhignayd sidan:

“Siyaasadda arimaha debedda ee dalka Imaaraadka Carabtu waxaay soo jiidanaysaa in aqoon yahanka xidhiidhka caalamigu ay si dhow u dersaan; waa dal yar oo shacab aad u yar leh, taariikh ahaanna aan ka muuqan jirin fagaarayasha caalamiga ah, balse hada leh hiigsi balaadhan oo meelo badan ku fiday. Tobankii sanadood ee u danbeeyey isaga oo sii xoojinaya meeqaamka maaliiyadeed ee uu gobolka ku leeyahay iyo inuu yahay xarun ganacsi oo caalami ah, wuxuu si aamusan uga noqday Bariga Dhexe quwad ciidan oo kor u socota.

Tan iyo Gu’gii Carabta, dalka Imaaraadku wuxuu qaaday siyaasad arimo dibadeed oo ku dhisan kalsooni sii koraysa iyo faro-gelin debedeed, taas oo saamaynteedu ay si cad uga muuqato gacanka Badda Cas iyo Geeska Afrika. Halkaas oo Imaaraadka Carabtu uu doonayo inuu ka noqdo jilaa siyaasadeed oo wayn, isaga oo ciidan xoogani u joogo, kana qaybiya caawimo dhaqaale oo balaadhan, islamarkaana wuxuu ka ciyaara door laxaad leh oo wax go’aamiya iyo dhex-dhexaadiye nabadeed. Maanta Imaaraadka Carabtu wuxuu  maamulaa dekedaha afar dal oo ka mid ah toddobada dal ee xadka la leh Badda Cas (Masar, Somaliya, Yemen, iyo Sucuudiga), wuxuu sidoo kale ku leeyahay saldhiga ciidan Yemen, Ereteriya iyo Somaliland.

Imaaraadka Carabtu wuxuu sii xoojinayay hawlaha dhaqaale ee uu ka wado gacanka Badda Cas. Sanadkii 2000 shirkadda Imaaraadku leeyahay ee saldhigeedu yahay Dubai ee la yidhaahdo DP World, waxaay ku guulaysatay heshiis ay ku maamulayso mudo labaatan sanadood ah dekedda DJibuuti. Dadaalkeedu ku dhowaad toban sanadood ka hor xilga heshiiska Jibuuti ayuu ka bilaabmay dalka Masar kadib markii ay la wareegtay hawlgelinta, horumarinta iyo maaraynta dekedda Ain Sokhna oo ah mid aad muhiim u ah sababta oo ah waa dekedda ugu dhow caasimadda Masar ee Qaahira. Sanadkii hore, waxaay la gashay heshiis hay’adda maamusha biyo mareenka Suez si ay u aasaasto shirkad horumarin ku samaysa aag dhan 95 km oo ka mid ah dhulka Ain Sokhna. Dalka Sucuudiga, DP World waxay maamushaa terminaalka koonfureed ee konteenarada ee dekedda Jidda, islamarkaana sanadkii 2017 waxaay ku guulaysatay heshiis ay ku horumarinayso gebi ahaanba dekedda, si ay u taageerto Hiigsiga Sucuudiga ee sanadka 2030 iyo marshuuca balaadhan ee qiimihuusu yahay $500 bilyan.

Heshiisyadaas la xidhiidha dekedaha wuxuu ku helay wada hadal, balse meelo kale Imaaraadku wuxuu ku isticmaalay talaabooyin xoog ah. Dalka Imaaraadku farogelinta xoogan ee uu ku hayo khilaafka Yemen (isaga oo qayb ka ah is-bahaysiga Sucuudigu hogaamiyo ee ka dhanka ah jabhadda Xuutiyiinta) wuxuu u isticmaalay inuu ku fidiyo awooda siyaasadeed ee uu ku leeyahay gobolka. Sanadkii 2015 ka Imaaraadku wuxuu taageeray xoogag ka qabsaday Xuutiyiinta dekedda Cadan oo mar ahayd dekedda ugu mashquulka badan Imbaraadooriyaddii Ingiriiska.

Sanadkii 2016 ka, Imaaraadku wuxuu qabsaday dekedaha Mukallah iyo Ash Shihr oo qiyaastii 300 iyo 375 mayl ay midkiiba ka xigto bari magaalada Cadan. Sidoo kale wuxuu qabsaday laba jasiiradood oo istiraajiyad ahaan dhaca Biyo Mareenka Baabul Mandab. Ciidamada Imaaraadku waxay qabsadeen dekedda Mokha sanadkii 2017, haddana waxay weerar cir iyo dhul ah ku hayaan Xudayda oo ah dekedda keliya ee ku taal Yemen ee aan hoos tegin xukunka Imaaraadka.

Balse waydiintu waxaay tahay maxaa Imaaraadku uga guuray inuu noqdo ka soo iibsada amaanka oo uu noqday ka iibiya? Waxa lagu doodi karaa in weerarka Imaaraadku ku hayo Bariga Afrika ay la xidhiidho muhiimadda Badda Cas oo ah ubucda shidaalka iyo gaaska dalkaasi debedda u dhoofiyo. Labada marin ee aadka muhiimka ah ee kala ah Kanaalka Suez oo dhinaca woqooyi xiga oo ay maraan saliid dhan 3.9 milyan baaral iyo Marinka Baabul Mandab oo dhinaca koonfur xiga oo ay maraan saliid gaadhaysa 4.8 Milyan baaral maalin walba. Waxa intaas dheer in gacan ku haynta dekeduhu ay gacan ka gaysato furitaanka suuqyada, helidda fursado dhaqaale iyo mararka colaaduhu jiraan muujinta awoodda ciidan.

Waxa xaqiiqdu tahay inay door wayn ku leedahay walaaca xoogan ee hoggaanka Imaaraadku ka qabo khatarta islaamiyiinta. Maaha oo keliya in kooxda gacantta ku haysta dalka (gaar ahaan Maxamed Bi Zaayid oo ah amiirka dhaxal sugaha ah, xukunka Imaaraadkuna uu gacanta ugu jiro) ay u hayaan cadawtinimo qoto dheer Islaamiyiinta xagjirka ah, balse waxaay u arkaan Islaamiyiinta inay khatar jirtaan ku yihiin maamulkooda gudaha. Waxaay u badan tahay in Imaaraadka ay ku riixday inuu qaato siyaasadda farogelinta tooska ah kooxo Islaamiyiin xag jir ah oo hadda ka jira Bariga Afrika, kuwaas oo ay ka mid yihiin kooxda saldhigeedu yahay Boosaaso ee Itixaad al Islaamiya, Dhaq-dhaqaaqa Jihaadiyiinta Islaamiga ah ee Eretriya, Dhaq-dhaqaaqa Caddaaladda iyo Sinaanta, iyo kooxda Al Takfir wal Hjira oo iyana ka jira Suudaan, iyo ururka Al Shabaab oo Somalia jooga.

Sidaas oo ay tahay, hadana waxa jira arimo kale oo dheeraad ah. Gacan u gelinta sanadkii 2004 ta uu Shiikh Zaayid oo ah aasaasihii dalku uu ku wareejiyay hogaanka dalka dhaxal sugayaashiisa Khalifa iyo Maxamed, ayaa u muuqata inay tahay arinka rasmiga ah ee ka danbeeya is bedelka siyaasadeed. Halka Zayid uu door bidi jiray wada hadal, diblomaasiyad hoose, iyo faro-geli la’aanta muranada dalalka kale, qolada bedeshay waa kuwo firfircoon oo ka dhiiran. Iyaga oo haysta lacag aan xad lahayn, qabana han wayn, waxaay doonayaan inay dalka u rogaan awood gobol oo leh cudud ciidan oo balaadhan, iyo quwad ku taal Gacanka Beershiya.

Dhawr dhacdo oo ku soo kordhay gobolka ayaa dhiiri geliyay Imaaraadka. Waxa ka mid ah fakaag ay keeneen hoos u dhac quwadeed oo ku yimi xoogaagii aduunka Carabta; xasilooni darada ku timi Liibiya, Suudaan, Koonfurta Suudan iyo Yemen; taag daraynta Golaha Iskaashiga Gacanka; is bedelka ku yimi mudnaanaha istiraajiyadeed ee Maraykanka; faro gelinta Imaaraadku ku sameeyey khilaafka Yemen; iyo tartanka kala dhexeeya Iiraan. Weli dalalka gacanka carbeed ee shidaalka ku hodanka ah, go’aan qaadashadu waxaay ku xidhan tahay ashqaas, hay’adahiina waxa bedelay hogaamiyayaasha, islamarkaana qab wayni ayaa qaabaysa siyaasadahooda.

Sidasdarteed, haddii aanu isbedel ku iman lahayn hogaanka Imaaraadka, aragtidii iyo siyaasadihii hore ayay u badan tahay inay sii jiri lahaayeen. Isaga oo isticmalaya quwad ka wayn itaalkiisa, hogaanka dhiiran ee Imaaraadku wuxuu noqday, sida uu hore u yidhi cilmi-baadhe “dal yar oo leh qab wayn.” Gacantiisa dheeri may gaadhin oo keliya dalalka faqiirka ah ee Bariga Afrika, ee sidoo kale wuxuu gaadhay Siiriya, Liibiya, Masar, iyo dalal kale oo Bariga Dhexe ah.

Siyaasadda Carabta is bedel wayn ayaa ku yimid. Kadib tobanaan sanadood oo isha lagu hayay dalalka waa waayn, cilmi baadhayaashu waxay hada indhaha ku soo jeediyeen dalalka yar yar sida Qadar iyo Imaaraadka oo aan iminka ahayn kuwo taag daran oo gudohooda uun ku foogan. Halka dalka Carbeed ee waawayni ay ka noqdeen kuwo fekerkooda iyo falcelintoodu gaabis tahay, dalalka yar yari waxaay noqdeen kuwo firfircoon, dhaqso u hawl-gala oo saamayn wayn leh. Siyaasadaha amni ee Imaaraadku waxaay gaar ahaan saamayn wayn ku yeelan doonaan is-bedelada ku dhowaad dhamaan goobaha wax ka jiraan ee ay ka mid yihiin Yemen, Liibiya, khilaafka Carabta iyo Israa’iil iyo tartanka ka dhexeeya Sucuudiga iyo Iiraan. Guushii uu Imaaraadku ka gaadhay bishii hore inay heshiisiiyaan Itoobiya iyo Eretriya oo mudo labaatan sanadood ah ay ka dhex jirtay colaad toos ah iyo mid qabowba, waxaay cadayn u tahay saamayntiisa. Waxa soo muuqda is bedel cusub oo ku yimaadda nidaamka gobolka.

Xigasho:Geeska

Kaafimedia Hargeisa Office.