UCID Oo Meel Adag Iska Taagay Hadal Ku Cusub Dhegaha Shacabka Somaliland Oo Siyaasi Buubaa Wax Kaga Sheegay Nidaamka Uu Ciidanka Qaranku U Dhisan Yahay

0
71

Hargeysa, 3 September, 2018 (KAAFIMEDIA) – Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa wax laga xummaado ku tilmaamay hadallo ka soo yeedhay Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah Xisbiga WADDANI, hadalladaasi oo Buubaa ku sheegay in Saraakiisha Ciidammada Qaranka aan loo sinnayn isla-markaana mar walba Cid gaar ahi ugu sarrayso.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Buuni oo Shalay u warramay Telefiishanka Eryal, ayaa isagoo daba socda hadallada ka soo yeedhay Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa wuxuu yidhi “Annaga oo og duruufaha ay Ciidammada Qaranku ku sugan yihiin, inagoo og sida nolosha Ciidammadeena Qaranku tahay, haddana waxay u dhabar-adaygeen in Dalkani halkan soo gaadho, markaa Xisbi ahaan aad iyo aad ayaanu Duruufahooda indhaha ugu haynaa, waajibaadkooda siday u qaadanayaana waanu ka war qabnaa.”

Mr. Buuni oo ka dareen-celinaya hadallada ka soo yeedhay Buubaa wuxuu yidhi “Xisbi ahaan hadalka ka soo yeedhay Ninkaa Odayga ah ee aad sheegtay waxaanu u aragnaa hadal aan Munaasib ahayn, hadal aanu ka fiirsanin, Shacabka iyo Ciidammada maqlay Hadalkaa dheg-xumada ahna waanu ka Tacsiyadaynaynaa Xisbi ahaan, isagana waxaanu u rejaynaynaa inuu ka waantoobo waxyaalaadkaasi, Waa nin Oday ah, Taariikhdaa is-qoraysa, Dalka wuu ka maqnaa, Ciidammada uu ka sheekaynayaa inta ay Dalka halkaa soo gaadhsiinayeen isagu Dalka ma joogin, duruufahooda kama War-qabin, Talo kumuu darsanin, waxtar kale kumuu darsanin, inuu Maanta la yimaaddo waxyaalo noocaas ah waxaanu Cidnaba ka aqbalayno maaha, laakiin waxay ka mid tahay Hagar-daamooyinka la rabo in Dalka loo geysto, laakiin ma dhacayso in Dalka la hagardaameeyo. Markii ay meel kale ee Qarankan laga soo geli lahaa ay ka soo geli kari waayeen Nimanka Odayaasha ah ee siyaasiyiinta sheeganayaa ayey Maanta rabaan inay Ciidammada Qaranka inay naxli iyo Aflagaado kala dhex dhigaan, waxaanan filayaa inay keligii ku eg tahay.”

Guddoomiye ku-xigeenka UCID oo la waydiiyey siduu u arko hadal uu Buubaa ku sheegay in Madaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu ahaa Maskaxdii ka dambaysey in la sameeyo laba Xisbi oo ka soo jeeda Beelaha Garxajis, si loo wiiqo Awoodda beel uu u dan lahaa, ayaa ku jawaabay, “Buubaa wax baa ka khaldan oo Taariikhdu iskuguma xidhna, Waayo? markii Ururrada siyaasadda la aasaasayey waxa noolaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, laakiin ma soo gaadhin iyadoo Dalkan Saddex Xisbi Qaran u soo baxeen, markaa in Illaahay Dambi-dhaaf loo weydiiyo mooyaane in Taariikh aan jirin la abuuro, markaa Odayga (Buubaa) waxaynu iskugu xidhaynaa in Marxuum Cigaal Geeriyooday isagoo UDUB aasaasay, laakiin aan Doorashadii Dawladaha hoose la qabanin oo aan Saddex Xisbi Qaran soo bixin, markaa waxan uu haybta u kala sheeg-sheegayaa Taariikh jirtaba ma ahayn, Sababtoo ah UDUB baa soo baxday waxa Guddoomiye ka soo noqday Daahir Rayaale Kaahin oo la garanayo Gobolkuu ka soo jeedo, Siilaanyo waalla ogaa, markaa Taariikh aan jirin ayuu sameeyay (Buubaa), waxayna ahayd Taariikh Gacan ku rimis ah, waxayna ka mid tahay dawakhaadaha beryahan jira, isagaana Caddayni labada Xisbi ee isku beesha ah ee Marxuum iyagoo jira dhintay. Cigaal wuxuu ku foognaa in Dalkani noqdo Dal, manuu taagnayn Mustawaha ah inuu Beelaha Dalkan (Qaybiyo)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu farriin u diray Ismaaciil Hurre Buubaa “Ninkan Odayga ah (Buubaa) waxaanu leenahay Cimrigaaga haku sagootiyin Taariikh xumo, Taayirkuna yaanu kaaga banjirin Beelo iyo wax la mid ah oo jooji deel-qaafka.”

Kaafimedia Hargeisa Office.