Booliiska Oo Soo Qabtay Gaadhi Budhcad Hubaysani Hargeysa Ka Kaxaysteen.

0
55

Hargeysa (Kaafimedia) – Koox budhcad ah ayaa xalay fiidkii Gaadhi nooca xamuulka qaada oo ay leedahay shirkadda Oomaar ku afduubay bariga magaalada Hargeysa, kuwaas oo la baxsaday Gaadhigaasi oo rarnaa.

Hawlgal ballaadhan oo ay sameeyeen ciidanka Booliska ayaa xalay xilli dambe gacanta ku soo dhigay gaadhigii xamuulka ahaa iyo gaadhigii ay wateen kooxda afduubka samaysay.

Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guute Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa ka warbixyey qaabka gaadhigaasi loo dhacay iyo qaabkay u soo qabteen, waxaanu yidhi “Abaaro toddobadii fiidnimo geerash ku yaalla agagaarka hoteelka Kaah gaadhi xamuul ah oo nooca waaraadka loo yaqaan ah oo rarnaa ayaa koox budhcad ahi ku afduubatay, waxaanay wateen budhcaddaasi gaadhi Nooha ah, gaadhigan xamuulka ah oo markaa dirawalkii ka degay Kirishboygiina la joogo intay dhaawaceen ayay la baxsadeen gaadhigii, ciidanka boolisku hawlgal ballaadhan ayuu markiiba galay iyagoo jihooyin kala duwan ciidamadii joogay ku soo baxeen oo ay raad ceeyeen gaadhiga..”

Waxaanu intaas ku daray “Nasiib wanaag waxay iska heleen Ciidankii booliska iyo kooxdii budhcadda ahayd meel 10KM magaalada Bander-wanaaag koonfur ka xigta, waxay kooxdaasi sameeyeen iska caabbin, waxaana ku guulaysanay in gaadhigii xamuulka ahaa ee rarnaa iyo gaadhigii ay wateen kooxdaasi budhcadda ah ay gacanta ku dhigaan..”

Kaafimedia