“Dalka Eratariya Wuxuu Siyaasaddiisii Mitidka Ahayd Kaga Adkaaday Wax-is-bidayaashii, Waa Inta Laga Rabo Siyaasiyiinta Somaliland Ee Maalinba Luuq Cusub Ku Heesaya”

0
37

Aqoonyahan GEES Oo Sheegay In Mabda’a Siyaasadeed ee Eritariya Uu Ku Cibro-qaadasho Ugu Filan Yahay Siyaasiyiinta reer Somaliland Oo Uu Ku Dhaliilay Laba Bogleyn Aan Ka Run Sheegayn  Mabda’a Siyaasaddeed Ee Qaranka

“Waxa la yidhaahdaa ‘haddii ay Itoobiya hindhisto, hargab ayaa ku dhaca dariskeeda’, “Abwaan Qaasim ayaa mar reer Ceerigaabo si ay uga hadliyaan gabay ku boobeen, kadibna wuxuu yidhi; Waxan Ahay Nin Dabin U Galay, Duul Ay Coloobeenoo, Dirindiir Kolay Ku Tahay, Laygu Soo Duulye!!!”

Qayb Ka Mid Ah Taxanaha ‘Dharaaro Xusuustood’ W/Q:  Maxamed Siciid Gees – Ankara, Turkey.

Ankara (Kaafimedia)- Aqoonyahan Maxamed Siciid Maxamed (Gees) oo kamid ah ruugcadaayada siyaasadeed iyo aqoonneed ee reer Somaliland ayaa isaga oo ku sugan magaallada Ankara ee wadanka Turkiga ka hadlay halka ay isugu biyo shuban doonaan isbedallada siyaasadeed ee mandaqada geeska afrika ka socda xilligan kaasi oo ay dawladda Itoobiya horsed ka tahay. Aqoonyahan Gees waxaa uu sheegay in isbedelkaas natiijadiisu ay kala cadaan doonto cidda guulaysta iyo cidda laga guulaystaaba dabayaaqada sanadkan. Sidoo kale waxaa uu soo bandhigay qorshe siyaaseed oo siyaasiyiinta reer Somaliland kaga midho dhalin karaan himillada qarankani leeyahay oo  aqoonsiga caalamku ugu muhiimsan yahay, taasoo ka dhabaynteedu tusaale ugu filan yahay buu yidhi reer Somalialnd inay ku cibro qaataan mabda’ adayga siyaasadeed ee ay dawladda Eritariya ku soo jirtay in ka badan rubucqarnigii ugu dambeeyey oo caalamku go’doon geliyey balse aakhirkii ay noqotay in mintidnimadiisa ay dalalka caalamka iyo hay’addaha kala duwan ee duniddu u soo noqdaan. Sidaasi darteed waxaa uu aqoonyahanku kula taliyey siyaasiyiinta reer Somaliland inay kku daydaan eritariya oo ay iska daayaan laba boglaynta siyaasiga ah ee ay kolba wejiga cusub kula soo baxayaan. Maxamed Siciid Gees waxaa uu sidaasi kuga hadlay mid kamid ah qormooyinkiisii taxanaha ahaa ee hal ku dhegoodu ahaa Dharaaro xusuustood, taasi oo qaybtan shalay soo gaadhsiiyey HUBAAL. Waxaana uu  hawaala warrankiisa doorkan oo uu cinwaan uga dhigay “Dharaaro Xusuustood: Waa lay dardaar werinayaa, derajaday yaa og? Ku bilaabay sidan:

Webigan i walwaalayaw

Xaggee baad ii waddada?

Xaggee baad ii waddada?..Axmaday Abuubakar

Xagee ayuu ku dambayn doonaa is-beddelka iyo dabaylaha siyaasadeed ee ka dhacaya Geeska Afrika? Labadii sannadood ee u dambeeyey kacdoon dadweyne ayaa ka socday gobollada ay deggan yihiin beelaha Oromada iyo Amxaaradu, labadaas qoomiyadood oo ah dadyawga ugu tiro badan beelaha kala duwan ee ku nool dalweynaha Itoobiya.

Kacdoonkaasi oo boqollaal dad ah ku naf waayeen, kumannaan kalena jeelasha la dhigay, arrimahaas oo sababay in Wasiirkii koowaad (Ra’iisal-wasaarihii) ee xukuumadda Itoobiya uu xilkii ka fadhiisto, ugu dambayntiina waxa halkiisii loo doortay nin dhallinyaro ah oo dhawr iyo afartan jir ah oo ka soo jeedaa dadka Oromada ah, kana dhashay qoys muslim ah, magac Muslim ah wata oo la yidhaahdo Abey Axmed Cali.

Madaxa dowladda Itoobiya ee cusubi waxa uu la yimid isbeddel cusub, dadkii jeelasha ku xidhnaa ayuu cafis u fidiyey, kooxihii ku kacsanaa xukuumadda ee dibedda joogay xayiraaddii ayuu ka qaaday oo waa la cafiyey, ururradoodiina waa loo fasaxay ka-qaybgalka siyaasadda, internet-kii, telefishannadii iyo joornaalladii waa loo furay oo loo oggolaaday madaxbannaani.

Wadammadii deriska la ahaa Itoobiya socdaal ayuu ku wada tegay oo heshiis wax wada qabsi la galay, oo dalka Eritrea oo labaatan sanno oo colaad ahi ka dhexeysay waa la heshiiyey, dhul ay ku murmayeen waa uu u oggolaaday, safaaradihii, telefoonnadii iyo diyaaradihii waa la isku furay, dekeddihii Eratariya waxa loo furay inay Itoobiya inay adeegsato. Waa isbeddel bilaw ah oo ka curtay Itoobiya, haddaba muxuu ku dambayn doonaa iyo sida uu u saamaynayo dadalka deriska la ah, gaar ahaan kuwa Soomaalidu degto iyo Itoobiya gudaheeda? Waa arrin is-weydiin leh.

Itoobiya ilaa sannadkii 1991, markii laga tuuray xukunka Mingiste iyo dergiga, waxa dalkaas xukumayey isbahaysiga ERPDF, dastuur federal maamulo qoomiyadaha Itoobiya ku dhisan ayaa lagu xukumayey waqtigaas. Isbahaysigaas ERPDF waxa hormood ka ahaa TPLF oo ururka dagaalyahanka Qoomiyadda Tigreega ahayd.

Amxaarada oo taageeri jiray nidaamkii Dergiga iyo xukuumadihii ka horreeyey sannadkii 1991, waxay hadda la soo baxeen in laga guuro dastuurka federalka ee qoomiyadaha ku dhisan oo lagu noqdo habkii dowladda midaysnayd ee ay iyagu hoggaamin jireen.

Qoomiyadda Tigreegu waxay ku goodisay haddii la taabto dastuurka oo laga noqdo habkan federaalka ah inay ka tashan doonaan Itoobiya. Qoomiyadda Oromada ee uu ka soo jeedo Ra’iisal-wasaare Abey Axmed, wax faalo ah kama ay bixin arrintan, waxase la saadaalinayaa inay ujeeddo kale wadato, taas oo ah dawlad Oromo ah oo madaxbannaan. Hadda dhul-ballaadhsi ayey ku jirtaa iyo baro-kicinta dadka aan Oromada ahayn, gaar ahaan dhinaca bariga Itoobiya.

Dabayaaqada sannadkan 2018 ayey kala caddaan doonaan arrimahaasi hadda bilawga ahi, maadaama Itoobiya ay tahay dal xad la leh toddoba waddan oo Geeska Afrika ku yaal, uguna dhul weyn tahay, isla markaana ay ugu dad badan tahay, oo ugu biyo badan tahay, oo dadkeedu ku filiqsan yihiin derisyadeeda, waa dhab in isbeddelkeedu saamayn weyn ku yeelan doono deriska ama dalalka la jaarka ah. Waxa la yidhaahdaa haddii ay Itoobiya hindhisto, hargab ayaa ku dhaca dariskeeda.

Dalka Eratariya ayaa u muuqda inuu ku guulaystay siyaasaddiisii mitidka ahayd oo isku tashigii iyo gaangistarnimadiisii uu kaga adkaaday wax-is-bidayaashii reer galbeedka (dalalka reer galbeedka) iyo ururradii ay samaysteen sida; UN, AU, IGAD ee masaakiinta loogu caga-jugleeyo, laguna cuno-qabateeyo. Waa taas madaxdii dalalka jaarka ee maagi jiray Eratariya ay hadda kuyuuga ugu jiraan inay booqdaan caasimadda Asmara.

Waxa booqashooyinka Eratariya u kala dambeeyey Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Mr. Abey Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Mr. Farmaajo. Waa inta laga rabo in siyaasiyiinta Somaliland ay ku daydaan, lana yimaadaan siyaasad ku dhisan mintidnimo, sidii ay Eratariya ahayd oo kale, halka ay maalinba luuq cusub ku hadlayaan oo meel kale ka hillaacayaan. Waxa loo baahan yahay inay Somaliland la timaad siyaasad isku tashi ah oo aan danta ummadda cidna looga habranayn, haddii ay tahay Qarammada Midoobay, Midawga Afrika, IGAD iyo qayarkoodba. Hadda ayeyba beelo Hargeysa kula shireen, maxaa xigi doonaa inay beel beel inoo shiriyaan. Boowe maxaa kuu baxay!

Xiliyadii aan ka mid ahaa xukuumaddii Cigaal, waxa la siiyey madaxii UNISOM, madaxii EU-da iyo madaxii UNDP, intoodaba go’aan ah dalka Somaliland la idinkama rabo oo ma iman kartaan (Persona Non Gratuitous), waxaanna taas lagu tusayey in dalkan ay dadkiisu xukumaan ee aan Khawaaje (shisheeye) xukumin.

Dowladda Xamar ee Waraabe-u-taagga ah ee 22-ka kun ee ciidammada shisheeyaha ee caloooshood-u-shaqaystayaasha ah ay ilaashaan ee hadda muddadii ay joogi lahaayeen loo kordhiyey ee shaqo ka dhigatay inay Somaliland qodxo u dhigto, iyada oo ictiraafka garabsanysa. Shirkii London ee ay xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo ka qaybgashay ayaa lagu ictiraafay dowladnimada Soomaaliya, waxase hadda la ogaaday in lagu degdegay arrintaas. Waxa la sheegay in meesha (Xamar) aanay dowladdii jirin ee Maafiyo Lacag-doon ahi isugu tegtay, rajona ka soo socon.

Dacawo ayaa iyada oo arooryo rooraysa la yidhi; “Dayo khayrka dhig.” Mid kale oo maqlayey baa yidhi; “Haddii ay khayr sidato may ku fadhido.” Hargaysa waxa joogaa oo cafis ku yimmi, tirana saddex ka noqday Ra’iisal-wasaare-ku-xigeeno xilal ka soo qabtay dowladaas Xamar. Xogtii u dambaysay ee laga soo saaray maamulkaas waxa uu caddaynayaa in dowladda Farmaajo ugu badnaan sannad dambe uun jirayso.

Allaah ha u naxariistee Axmed Ismaaciil Qaasim oo mar Ceerigaabo loo beddelay, ayey reer Ceerigaabo gabay ku boobeen soo dhaweyntiisa, si ay uga hadliyaan, kadibna waxa uu yidhi;“Waxan ahay nin dabin u galay, fuul ay coloobeen eh.

Dirindiir kolay ku tahay, laygu soo duulye.”

Shan u roon (Somaliland) ayaa lagu soo duulay!!! Waa la ii dardaar werinayaa derajaday yaa og?

Kaafimedia Hargeisa Office.