“Xisbiga Ucid Uma Aqoonsanaan Doono Golaha Wakiiladda Matalayaal Ama Wakiilo Shacabka Hadii Ay Timaado Mudo Kordhin Shanaad,Waxana Meesha Ka Bixi Doona Kala Dambaynta”.

0
138

“Xisbiga UCID Oo Madaxweynaha Ugu Baaqay Inuu Ka Hortago Korodhsiimo Shanaad Oo Ay Diyaarsanayaan Golaha Wakiiladda Somaliland,Shacabkana U Soo Jeediyay Inay Indho Gaar Ah Kula Socdaan.

Hargeysa(Kaafimedia) – Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa si weyn uga qayliyay, digniin culusna ka bixiyay korodhsiimadii shanaad oo ay sheegeen inay diyaarsanayaan Golaha Wakiiladda Somaliland,Waxaanay Madaxweynaha ugu baaqeen inuu aad uga fiirsado saamaynta ay arintaasi dalka ku keeni doonto iyadoo dhinaca kalena go’aan cad ka qaatay haddiiba ay dhacdo korodhsiimadaasi.

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Keyse Yuusuf Cabdilaahi Oo Warsaxaafadeed uu Xisbigaasi Shalay Soo saaray oo uu arimahaasi kaga hadlay Warbaahinta u akhriyay ayaa waxa uu yidhi“Somaliland waxaa ka masuul ah oo ay Shacbiga Somaliland u doorteen Madaxweynaha, isaga ayaanay umaddu kala xisaabtamaysaa Masuuliyadda loo doortay sharci ahaan, sida ku cad qodobka 92-aad ee Dastuurka Somaliland, shacabka ururintiisa, Midayntiisa iyo dhayida boogihii ay keentay Xanaftii doorashadu waxaa u xilsaaran Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, sidaa awgeed mahayno, inooma muuqato dadaal uu Madaxweynuhu arintaasi ka sameeyay, tan iyo intii loo doortay xilka ugu sareeya dalka, aamusnaanta uu arimahaasi ka aamusan yahayna waxay fursad balaadhan siinaysaa Cadawga Somaliland,Waxaa meesha ka baxay Hay’addihii qaranka, waxaana xoogaystay qabyaaladii, Qoqobkii iyo qayladii ka dhalatay Xanaftii doorashada”.

Waxa kale oo uu yidhi“Xisbiga UCID Waxa uu u soo jeedinayaa Madaxweynaha Jamhuurriyadda Somaliland inuu qaado talaabooyin Ficil ah oo uu arintaasi wax kaga qabanayo, Kaw waxa ka ah inuu muujiyo Cadaaladii dalka. Xisbiga UCID iyo Beesha Caalamkuba waxay war war wayn ka qabaan  dib u dhac kuyimaada Doorashooyinka Goleyaasha Wakiiladda oo u xusul duuban Muddo korodhsiimo shanaad iyo Goleyaasha Deegaanka oo iyaguna diyaar u ah in loo kordhiyo mar kale, Hadaba Madaxweynaha Waxa looga baahan yahay arinta Gudida Doorashooyinka Go’aan geesinimo lehna ka qaato, waxaa kale oo looga baahan yahay Saami qaybsigii Kuraasta Golaha Wakiiladda taasi oo suurtagalinaysa Qabsoomidda Doorashada”.

Ugu dambayn waxa uu Xisbigu Warsaxaafadeedkaasi ku yidhi“Xisbiga UCID Waxa uu ugu baaqayaa inay ansixiyaan Xeerka horyaala, intaanay fasaxa galin, Waxaanu beesha Caalamka iyo Shacbiga Somaliland u sheegaynaa Go’aanka Xisbiga UCID, 1- Xisbiga UCID uma aqoonsanaan doono Golaha Wakiiladda Matalayaal ama wakiilo shacabka ah matala haddii ay timaado Muddo kordhin shanaad,sidoo kale Haddii ay timaado Muddo kordhin shanaad waxa uu Madaxweynuhu gacantiisa ku burburiyay Kala dambayntii iyo Dastuurkii Shacabka Reer Somaliland”.

Foore

Kaafimedia