Guddoomiye Saleebaan Gaal Oo Intii Uu Joogay Baabi’iyay Haybaddii Uu Golaha Guurtidu Qaranka Ku Lahaa Iyo Qaylo Dhaanta Yeedhaysa Oo Aan Doorkii Guurtida Laga Dhex Arkayn.

0
136

Hargeysa, September 10, 2018- (Kaafimedia )- Tan iyo intii golaha guurtida Somaliland sannadkii 2004 loo doortay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan waxa gabi ahaanba meesha ka baxayay doorkii shariifka ahaa ee Golaha Guurtidu ka qaadan jirtay nabadaynta, dhexdhexaadinta khilaafaadka ka dhex qarxa beelaha Somaliland iyo guud ahaanba go’aamada masiiriga ah ee qarankani ku tallaabsan karo iyada oo wakhtigan Golaha Guurtidu marayo heerkii ugu hooseeyey wakhti muddooyinkii ugu dambeeyey ay soo noq-noqdaan dagaalo-beeleedyada iyo khilaafaadka deegaamadu gaar ahaan Gobolada Bari ee Somaliland.

Warbixin uu Wargeyska Foore arrintan ka diyaariyay waxa ay tibaaxaysaa in Golaha Guurtida Somaliland oo soo maray Maraaxil kala duwan laguna xasuusto udub-dhexaadkii ay u ahaayeen dhismaha qaranka Somaliland iyo sidii ay uga soo shaqeeyeen daminta dagaaladii sokeeye ee Somaliland la kawsatay horraantii sannadihii sagaashamaadkii iyo sidii ay uga qayb qaateen dhismihii haykalka dawladnimo ee dalka ayaa waxa inta badan golahaasi ka baxay odayaashii sama-taliska ahaa ee ku suntanaa guulaha Golahaasi qarankan u soo hooyey taa baddalkeedana ay golaha yimaaddeen rag dhallinyaro u badan oo dhaxal ku yimid kuraasta ay odayaashaasi qaarkood banneeyeen.

Kaafimedia Hargeisa Office.