Tahriibayaal African Ah Oo Ku Dhintay Badda U Dhaxaysa Liibiya Iyo Talyaaniga

0
36

Liibiya (Kaafimedia) – Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa sheegtay in muhaaajiriin ka badan 100 qof ay toddobaadkan dhinteen.

Muhaajiriintani ayaa sida ay hay’adda sheegtay ku dhintay xeebaha dalka Liibiya.

Dadkani muhaajiriinta ah oo intooda badan ka soo jeeda Afrika ayaa la socday labo doonyood.

Sida ay sheegtay hay’adda MSF muhaajiriintani ayaa ku sii jeeday dalalka ku yaalla koonfurta Yurub.

Mid ka mid ah dadkii ka badbaaday masiibadan ayaa MSF u sheegay in mid ka mid ah doonyahani uu matoorka cillad kaga yimid isla-markaana mida kalena ay degtay.

Ciidamada ilaallada xeebaha Liibiya ayaa qaar badan oo ka mid ah dadkii badbaaday keenay xeebta Dekedda magaalada Khoms.

Muddooyiinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa hoos u dhacday tirada muhaajiriinta dhanka Yurub uga tallaaba badda mediterranean-ka.

Dalka Taliyaaniga oo ay inta badan ka dagi jireen muhaajiriintani ayaa dowladda dalkaasi waxa ay muddooyiinkii dambe adkeysay aqbalaadda dadka soo galootiga ah.

Dowladaha Malta iyo Taliyaaniga ayaa hore iyagu u diiday in dalalkooda ay ku soo xidhaan doonyo sida muhaajiriin.

Dowladda Taliyaniga ayaa ugu baaqaysa dalalka kale ee Yurub in ay la qaybsadaan culayska dadka soo galootiga ah.

Kaafimedia