Wershad Soo Saaraysa Daqiiqda Oo Shirkadda AL-XARBI Ka Hirgelisay Berbera & Xukuumadda Oo Kal & Laab Ku Qaabishay.

0
40

“Mashruucani wuxuu markii ugu horreysay ka dhashay ra’yi ah in ay jirto fursad laga faa’iidaysan karo,waxaanu ka bilaabmay ogollaanshiyo aanu weydiisanay xukuumaddii Rayaalle, kaasi oo aanu ka codsanay in uu ….” – Ganacsade Axmed Faarax Xarbi

 “Dal Ma Horumaro, Dhaqaalihiisuna Ma Kobco Illaa Uu Xooga Saaro Wershadaha Fudud… Wershadani Way Dabooli Doontaa Celcelis Ahaan Illaa 150  TON Oo Daqiiq Ah Oo Aynu Sanadkii La Soo Degno”- Wasiirka Maalgashiga Md. Cawad.

Berbera (Kaafimedia )- Wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga Somaliland Md. Maxamed Axmed Cawad ayaa shalay kormeer ku sameeyey wershadii ugu weynayd ee dalkan Somaliland laga hirgeliyo taasi oo soo saari doonta daqiiqda. Wershadan oo bilaha soo socda la filayo inay si rasmi ah u bilowda waxsoo saarkeeda ayaa waxa maalgashigeeda  iska kaashaday shirkadda ganacsiga ee Al-xarbi ee reer Somaliland iyo ganacsade Carbeed, waxaana khubarada gacanta ku haysaa ay sheegeen in ay rejaynayaan in maalintii ay soo saari doonto saddex boqol [300] oo TON oo daqiiq ah.

Ganacsade Axmed Faarax Xarbi oo isagu ah masuulka shirkadda reer Somaliland Ee Al-xarbi ee iyadu maalgashiga wershadan la kaashatay ganacsadaha reer Baxrayn ayaa mar uu shalay warbaahinta uga xog warramay goortii uu ku dhashay fikirka ah in loo baahan yahay wershadan noocan oo kale in dalka laga aasaaso iyo maraaxilka ay la soo mareen sidii ay uga midho dhalin lahaayeen hamigooda waxaa uu yidhi “Mashruucan daqiiqdu waxa uu markii ugu horreysay ka dhashay ra’yi noo muuqday oo aanu wada tashi ka samaynay annaga iyo nin aanu muddo dheer asxaab ahayn oo baayac mushtari ah, ra’yigaas oo runtii ahaa in ay jirto fursad laga faa’iidaysan karo, faa’iidana ay dalka iyo dadka ugu jirto, fursadaas oo ah in dalka laga sameeyo wershad soo saarta daqiiqda oo  wax soosaarka ay samayn doontaa uu dabooli doono baahida bulshada, sidaasi ayaanu ra’yigaasi ku yimi markii hore ”. Sidaasi ayuu yidhi Ganacsade Axmed Faarax Xarbi, waxana uu intaa ku daray “bilowgii arrintaasi waxaa heshiisyo nala galay laba qolo oo doonayay inay ka qayb qaataan maalgalinta wershadan, annagoo marka horena waxa aanu rajaynaynay ay ahayd inaanu dhinaca aqoonta xooga saarno marka maalgelinta laga yimaado, waxaana noo muhiimsanaatay inaanu helno dad aqoon leh oo waxan ka soo shaqeeyey oo aanu khibradooda uga faa’iidaysanno. Run ahaan labadaas qolo markii ay timi in hantidii la huro oo arrintii la fuliyo waxay noqotay inay ku dhici waayaan, taasoo ay ku sababeeyeen markay wadankeena xaalladaha uu ku sugan yahay u eegeen meelihii kale ee ay maalgashiga ku samaynayeen, waxaanay u arkeen inaanay arrintaasi munaasib u ahayn inay fuliyaan, taasina waxay sababtay in mashruucu uu dib u dhac weyni ku yimaado”.

“Bilowga mashruucani waxa uu ka bilaabmay ogolaanshiyo aanu weydiisannay xukuumaddii xilligaas talada dalka haysay oo uu madaxweyne ka ahaa Md. Daahir Rayaale annaga oo ka codsannay in ugu horeyn uu dhul naga siiyo aagga u dhaw dekedda Berbera. Illaahay mahadiise waqti haatan laga joogo saddex illaa afar sanno ayaanu helnay niman aqoonna u leh danaynayana inay dalka maalgashadaan, isla markaana hawshan wershadaha oo annaga nagu cusbayd hore uga soo shaqeeyey iyagu, waxaana na sii dhiirigelisay xidhiidh ganacsi oo muddo dheer oo soddon sanno ah noo dhexeeyey taasoo muujisay inaanu is aaminsannahay, sidaasi ayaanay ku bilaabantay hirgelintii wershadanni, waxaana aanu rejaynaynaa in dhammaadkeeda uu illaahay khayr ku dembeysiiyo”.

Geesta kale Ganacsade Axmed Faarax Xarbi waxaa uu farta ku fiiqay caqabadaha mar kasta uu filan karo qofka doonaya in uu hawl sidan oo kale ah ka yagleelo dal aanay hore uga jirin wershadan oo kale, taasina ay sabab u noqon karto in kacaa kuf badani ku dhaco kamidho dhalinta natiijadeeda “waad arki karaysaan wadankeena qof doonaya in uu hawshan oo kale bilaabo oo wershad sameeyaa hawlo badan baa ka hor imanaya, laakiin waxa weeye in caqabadahaas loo samro oo lagu dhiirrado hawsha, annaguna waxaanu is nidhi wallaahi arrintaasi way taagan tahay xilligeedii waayo markaad khatarta ku dhiirrato ayuun baad natiijo ka gaadhi kartaa, annaguna waxaanu nidhi go’aankaas mar walba iyo si kasta oo ay u dhacdaba yaynaan ka noqonin, haatanna afar bilood oo keliya ayaa ka hadhsan muddadii uu mashruucani midho dhalyay”. Ayuu yidhi Mr. Xarbi.

Xil. Axmed Ducaalle Bullaale oo ka tirsan golaha wakiillada JSL oo isaguna ganacsade Xarbi ku wehelinayay xog-warranka uu siiyey warbaahinta oo isna halkaas hadallo kooban ka jeediyey ayaa soo dhaweeyey hirgelinta wershadan oo uu ku tilmaamay in uu faa’iido u leeyahay dalka iyo dadkba “wadanku waxa uu u baahan yahay in cidi maalgashato, nasiib wanaagna tacabka halkan galay qofku marka aanu fikrad ka haysan maalgashiga galay aad buu runtii ula yaabayaa, koleyba aniga haddii maanta wax la iga weydiiyo inaan maalgashado lacagta waan iska barkanaan lahaa waayo aqoonteedii ma lihi laakiin waxaa laysla qirsan yahay in maalgashiga dhulka la maalgashadaa uu qaranka iyo bulshadaba uu qoddob muhiim ah u yahay”. Sidaasi ayuu yidhi Xil. Axmed Ducaalle.

Gebogabadii Wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga JSL Maxamed AXmed Cawad oo halkaasi ka hadlay ayaa kalsamaan iyo weji furan ku qaabilay maalgashiga intaas le’eg ee la geliyey wershadan uu ku dhiirraday ganacsade Al-xarbi, isaga oo dhinaciisa iyo dhinaca xukuumaddaba ballan qaaday inay gacan weyn ka siin doonaan sidii ay u tisqaadi lahayd waxsoosaarkana u bilaabi lahayd wershadan samaynaysa daqiiqdu. Waxaana Wasiiir Cawad oo arrimahaas ka hadlayaa uu yidhi “run ahaan waxaanu leennahay mashruucani waxaa uu ka turjumayaa ololihii aanu soo galnay ee doorashadii xisbiga KULMIYE talada ku hantay iyo ballanqaadyadii iyo barnaamijkii siyaasiga ahaa ee uu nagu hoggaaminayay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, taasoo maalgashigu ka mid ahaa qorshihii uu madaxweynuhu u dejiyey in uu ku hago qaranka taasoo uu u sameeyey wasaaraddan. Aniguna waxaan idin leeyahay shirkaddan wadaniga ah ee Daqiiqda soo saari doonta aad iyo aad baad ugu mahadsan tihiin inaad hirgelisaan”. Ayuu wasiir Cawad yidhi, waxana uu intaa ku ladhay in warshadan lagaga maarmi doono in kabadan 150 kun oo TON oo sanad kasta dibada laga soo waarido “dal ma horumaro , dhaqaalihiisuna makobco illaa uu xooga saaro wershadahaas yaryar ee fudud. Immika waxaa aynu sanadkii la soo degnaa celcelis ahaan illaa 150 kun oo TON oo daqiiq ah, runtii wershadanina sida ay injinneeradu sheegeen way dabooli doontaa baahidaas oo waxay sanadkii soo saarri doontaa illaa boqol kun oo TON”. Ayuu wasiiruk yidhi.

Kaafimedia Hargeisa Office.