“Diblomaasiyadu Kuma Dhisna Tuhun Iyo Shaki Laga Qaado Arrimo Markaas Taagan, Dawladaha Dunidana Caashaq Kama Dhexeeyo Ee Dano Ayaa Ka Dhexeeya”

0
209

Hargeysa(Geeska)-Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa ka hadlay isbedelada ka socda mandaqada Geeska Afrika, waxaanu sheegay inaanay isbedelada socda oo ay u muhiimsanyihiin heshiiska Itoobiya iyo Ereteriya aanay wanaag mooyee marna Somaliland u keenayn  dhibaato.

Danjire Cawil, oo uu shalay Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyay dabaylaha isbedel ee ka socda gobalka iyo saamaynta ay ku yeelan karaan Somaliland, wuxuu sheegay inaanay diblomaasiyadu ku dhisnayn tuhun iyo shaki balse udub dhexaadkeedu yahay feejignaan, waxaanu intaas raaciyay in xidhiidhka dawladuhu salka ku hayo dano balse aanu jirin caashaq kale.

Danjire Cawil, waxa kale oo uu ku baaqay in laga dheeraado in la siyaasadeeyo ciidanka qaranka Somaliland.  Cawil oo uu Wargeyska Geeska Afrika weydiiyay aragtidiisa isbedelada socda iyo saamayn inay ku yeelan karaan dabaylaha isbedel ee gobalka ka socdaa wuxuu yidhi “Diblomaasiyadu ama siyaasadda arrimaha dibadu kuma dhisna tuhun iyo shaki laga qaado arrimo markaas taagan;  udub dhexaadkeedu waxa weeye inaad si feejigan u ilaashatid kana aqbalin in cidina soo farogeliso danaha u gaarka ah dalkaaga.

Waxa isweydiin leh laba dal oo kala ah itoobiya iyo Ereteriya oo colaado muddo dheer dhex taalay ayaa heshiiyay; saamayn intee leeg ayaa heshiiskaasi u leeyahay Somaliland, jawaabtu waxa weeye waxba inaguma laha, itoobiya saaxiib ayaynu nahay, xidhiidh fiican ayaa inaga dhexeeya, mid ganacsi iyo mid nabadgelyaba, khayr ayaynu u rajaynaynaa haddii ay colaad muddo dheer u taagnayd ay soo afjareen, wax saamayn ah oo heshiiskaasi Somaliland ku yeelan karaa haba yaraatee ma jirto, mandaqada Geeska Afirkana hab dhaqankii siyaasadeed wax iska bedelay ma jiraan, aan ahayn taas indhaha dunida soo jiidatay ee heshiiska itoobiya iyo Ereteriya, laakiin hab dhaqankii siyaasadeed ee dawladaha Geeska Afrika wax iska bedelay ma jiraan, yaan sawir dawladuhu inaga qaadanin oon la inoo arkin dal fudud oo aan dhabar adayg u lahayn halkay siyaasadu ku biyo shubanayso.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Haddii aynu nahay Somaliland waxa meel inoo yaala xukuumad iyo shacaba, in cid allaale ciddii danaheena ku soo xad gudubta, fal celin ku haboon aan ka soo saarno, raysalwasaare cusub ayay itoobiya dooratay waana siyaasi ka soo jeeda qoomiayda Oromada, dawladaha adduunka caashaq kama dhexeeyo ee dano ayaa ka dhexeeya. Raysalwasaarihii Ingiriiska ee Sir Winston Churchill ayaa yidhi xikmad ay dawladaha dunidu ilaa hadda ku dhaqmaan, wuxuu yidhi ‘Ingiriisku malaha cadow joogto ama saaxiib joogto ah laakiin wuxuu leeyahay dano rasmi ah oo joogto ah.”

Wuxuu sheegay inay dano ka dhexeeyaan dawladaha, Somaliland iyo Itoobiyana ay ka dhexeeyaan dano muhiim ahi,  “Dawladaha saaxiibka aha danaa isu keena, oo mid walba ay ilaashanayso danaheeda u gaarka ah saaxiibtinimadu halkaas ayay ku eegtahay, madaxda Itoobiya haddii uu yahay Oromo, Amxaar, ama Tigray wuu ka dheregsanyahay taariikhda kaalinta ay Somaliland  kaga jirto ilaalinta nabadgelyada Itoobiya oo cid itoobiya nabadgelyo darro u wadaa aanay Somaliland soo dhaafi Karin, waxaan itoobiya u nahay meel aan cadow uga talaabi Karin,  haddii aanay Somaliland jirin waxa Itoobiya ku furmi lahaa gaab xoogan oo nabadgleyo darro ah oo aanay moosi Karin; horumarka ay maanta Itoobiya ku talaabsatayna wuu adkaan lahaa inay ku talaabsato. Baabuurka ka soo baxa Muqdisho shan maalmood ayuu ku qaadanayaa inuu Addis Ababa gaadho, laakiin  baabuurka Hargeysa ka baxaa lix saacadood gudahood wuxuu joogaa buuralayda Itoobiya, raysalwasaaraha cusub wakhtigan ee Itoobiya Dr Abiy Axmed wuxuu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Itoobiya, wuxuu kaloo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka sirdoonka Itoobiya waa siyaasi caqli iyo khibrad badan, waxaan aaminsanahay inuu ka war qabo doorka faraha badan ee Somaliland ka ciyaartay  ilaalinta iyo sugida ammaanka iyo nabadgelyada Itoobiya.” Ayuu yidi.

Cawil, oo ka hadlaya ciidamada qaranka, kana jawaabaya warbixino la baahiyay oo lagaga faallooday saami qaybsiga saraakiisha ciidanka qaranka Somaliland wuxuu yidhi “Umadaha adduunku laba shay ayay ku faanaan ilaashadaana oo astaan u ah kuwaas oo kala ah calanka iyo ciidanka qaranka ay umadu leedahay, farxad ayay quluubtooda buuxisaa markay daawadaan calankoodii oo la saarayo ciidankii qarankuna salaam sharaf ula taaganyahay waana arrimaha xoojiya wadaniyada iyo kalsoonida umadda.

Ciidanka qaranka waa astaanta iyo sharafka dal kastaa uu leeyahay dawladnimaduna waxay u baahantahay  cudud ilaalisa calankaas dushooda sudhan waxa dadyowga ka caagan inay ciidankooda wax ka sheegaan ama farafareeyaan, dalalka qaarkoodna waaba dambi uu mutaysto qofku haddii uu ciidanka wax ka qoro sida miisaaniyada uu ciidanku soo qorto dawladauhu ma falanqeeyeen ee sideeda ayay u sii daayaan.

Ciidan qaran oo aynu ku faani karno ayaa maanta inoo dhisan waana ciidan u dhartay inuu dhiigiisa u huro difaaca dalkiisa gudo iyo dibadba waana ciidan cadow kasta oo aynu leenahay dhabarka ka jabin kara, askartii iyo saraakiishii ku geeriyooday dagaalka Tuko-raq waxay u shahiideen difaaca dalkooda qabiil may difaacan waxay difaacayeen umadooda iyo dalkooda kuwa maanta noolina waxay u diyaar yihiin inay u dhintaan difaaca dalkooda.

Waxaan maalmahan warbaahinta ku arkayay arrin umadeena ugudb ku ah oon 27kaas sanadood ee aynu dawlada ahayn ina soo marin oo ah wax ka sheegista saraakiisha  qaranka oo beelo loo jajabinayo saraakiisha ciidanka. Waa arrin aad u fool xun inaynu ku kacno inagoo cadow is hayna ciidankeenuna ku suganyahay jiidaha hore ee dagaalka waana ayaan darro qof dhiigiisa u hibeeyay dalkiisa in hoos loogu dhaadhaco haybtiisa waxay kay ka dhigantahay taas  marka lagu dhaqaaqo qof tiirkii ugu muhiimsanaa oo ah ciidanka qaranka ee dawladnimo ku taagnayd dube la dhacaya oo kale. Waana arrin ka farxinaysa cadowga ciidankeenana niyad jab ku ridaysa. Soomaaliya waxay dawlad u noqon  weyday waa ciidan la’aanta; sarkaal ciidan ayaan ahaan jiray laakiin maan aqoonin  beelaha ay ka soo jeedaan saraakiisha aan wada shaqayno. Ciidan qaran marka laga hadlayo wax ka reeban oo xaraan ah saami qaybsiga, marba inta is qorta ciidanka ayaa noqoto saraakiil, saraakiil xigeeno iyo dable.

Waxaan siyaasiyiinta iyo dadka kale ee arrintaas ka hadlaya ka codsanayaa in hadday mucaarad yihiin meel kale ka raadiyaan mucaaradada laakiin aanay ciidanka qaranka ula soo leexan waxaanay noqonaysaa arrin wadaniyada iyo xilkasnimada aad uga durugsan.”

Geeska

Kaafimedia Hargeisa Office.