Wasaarada Arrimaha Dibedda Somaliland Ayaa Ka Qaybgashay Shir Caalami Oo Ka Dhacay Dalka Shiinaha Oo La Xiidhiidhay Maalgalinta Kheyraadka Dihin Ee Tamarta Afrika .

0
143

Hargesisa(Kaafimedia) shirka ayaa socod mudo laba maalmood ah  waxa diirada lagu saaray sidii iskaashi dhinaca Tamart ah u dhex mari laha Qaraadka afrika shiinaha mudada uu shirku socoday waxa lagu soo bandhigay fursadaha dihin ee yaala qaraadka afrika ee baahan maalgalinta shiinaha.

Dhinaca Somaliland shirkaasi waxa uga qaybgalay safiirka iyo sarkiil.

Shiinaha ayaa taageera awoodda Africa ee dhismaha tamarta, waxayna siinayaan  tababar khibrad u leh shaqaalaha hay’adaha maamulka, machadyada cilmi-baadhista iyo shirkadaha muhiimka ah si  loo hagaajiyo kartida Afrika ee horumarinta iyo maamulida nidaamyadooda tamarta Afrika .

Mudadii uu shirku socoday ayey safaraadda Somaliland ee dalka shiinaha ku soo bandhigtey warbixin la xiidhiida kaalinta ay Somaliland qaadan karto iskaashiga afirka iyo shiinaha ee dhinaca maalgalinta waxay tilmaameen inay   Somaliland leedahay  kheyraad dihin oo dhinaca macdanta, xoolaha kaluumaysiga dalxiiska beeraha warshadaha  kuwaasi oo fursada u ah dhinaca shaqo abuurka dalka oo keeni kara kor u kac dhaqaale ,Somaliland waxayna ku taala juquraafi ahaan ku meel ku  wanaagsan ka faa’iidaysiga maalgashiga shiinaha .

Shirkan  ayaa loogu magac daray China africa  green energy cooperation opportunity forum waxa ka soo qaybgalay 25 safiiradood  oo ka socoday qaraad  afrika  oo ay Somaliland ku jirto ku xigeenka duqa caasimadda dalka shiinaha Bayjiin iyo danayeyaaal dhinaca maalgashiga.

Shiinaha iyo Afrika waxay xoojin doonaan wadahadalka siyaasadeed iyo is-weydaarsiga farsamada ee ku saabsan tamarta iyo ilaha dhaqaalaha, isku duba ridka  istiraatiijiyadaha tamarta iyo kheyraadka kale, samaynta cilmi-baadhis wadajir ah, oo sameeya qorshayaasha horumarinta tamarta ee la shaqeynayo xaaladaha degaanka.

Labada dhinac waxay wada shaqeyn doonaan sidii loo dhisi lahaa Xarunta Iskaashiga Shidaalka ee Shiinaha iyo Afrika si loo sii hormariyo is-weydaarsiga tamarta iyo iskaashiga dhaqaalaha  .

Afrika shiinaha waxa ka dhexeeyaa iskaashiga dhaqaale oo sii xoogaysanayey sanadihii dambeyey .

Qoraalkan oo ka soo Baxay Waaxda Isgaadhsiinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland.

Kaafimedia Hargeisa Office.