Madaxweynaha Somailand Ayaa Dalacsiyey Sarkaaal Ka Tirsan Ciidanka Bileyska Iyo Sobabta U Cuskaday.

0
46

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-197/092018, waxa uu derajo ciidan oo ah dalacsiin Kormeere Saddexaad, Muxumed Ismaaciil Faarax oo ka tirsan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadd Somaliland, lana siiyey derajada uu mudan-yahay oo ah Xidigle  oo uu madaxweynuhu hore balan qaad ugu sameeyey mar uu ka qayb-galay qalin-jebintii Jaamacadda Hargeysa.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

 Bixin Derajo

 

Markaan Arkay:                          Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,   Qodobka 90aad, Faqradiisa 4aad;

 Markaan Garwaaqsaday: Xilka naf-huridda iyo heeganka joogtaysan ee            ay Ciidanku u hayaan dalka;

 Markaan Ku Qancay:                  In bixinta Derajadu ay kor u qaadi doonto             milgaha, sharafta iyo haybadda Dawladnimo;

 

Markaan Tixgaliyey:                   Hawl-karnimadiisa, Dedaalka iyo

Daacadnimadiisa;                                                                

Waxaan Go’aansaday;

 In aan dalacsiiyo Kormeere Saddexaad, Muxumed Ismaaciil Faarax, oo ka tirsan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, qaybta nabadgelyada Waddooyinka, lana siiyo derajada uu mudan-yahay oo ah Xidigle.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Kaafimedia Hargeisa Office.