Dareenka Xisbiyada Mucaaridka Ah Ee Tacriifada Bileydhka Cusub Ee Gaadiidka Iyo Dooda Xukuumadda.

0
49

Hargeysa, 17 Sep, 2018 (Kaafimedia)-Xisbiyada Mucaaridka ah ee Waddani iyo Ucid ayaa sharci darro ku tilmaamay tacriifada lacageed ee ay xukuumaddu u soo saartay summada cusub ee gaadiidka ee lagu beddalayo bileydhadii hore loo isticmaali jiray, balse Xukuumadda ayaa iyaduna sheegtay inay awood sharci u leedahay arrintaasi.

Haddaba, Masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Mucaaridka ah ee Waddani iyo Ucid ayaa shalay u warramay HCTV ayaa si adag uga hadlay arrintan, iyadoo isla shalay na uu Wasiirka Horumarinta Maaliyaddu soo saaray war-saxaafadeed uu tallaabadaasi ku difaacayo.

Ugu horreyn, Guddoomiye Ku xigeenka Xisbiga Ucid Cabdinaasir Muxumed Buuni ayaa ka hadlay siday Xisbi ahaan u arkaan waxaanu yidhi, “Waxaanu u aragnaa wixii horumar ah ee ka fiican wixii hore ee aynu haynsanay waa tallaabo horumar leh, laakiin waa in aanay noqon tallaabo dhaqaale lagu raadinayo, waxaananu u aragnaa in bileydhada Summada Gaadiidku ay dadka lacag ku taagan yihiin oo marka ay soo degaan laga qaado, haddii maanta la beddalayo qofka lacagtiisii waa laga haystaa ee waa in loo beddalo, balse in qofka la yidhaa lacag kale bixi oo muddo lix bilood ah ayaanu kuu qabaney arrin la aqbali karo maaha, arrin dadku qaadi karaana maaha, macne iyo xikmad ay ku fadhido na ma jirto”. Waxaanu intaasi ku daray, “Xukuumaddu waxay ka fikiraysaa inay dadka lacag ka samayso, baarlamaankii la xisaabtami lahaana waxa loogu hanjabayaa muddadiina iyo cimrigiina ayaanu soo yareynaynaa, haddii kalena iska sii fadhiya muddo kordhin ayaanu idiin sameynaynaa ee waxaanu doonayno iyo musuqa aanu sameynayno ha nala sii xisaabtamina”.

Sidoo kalena, Xoghayaha Duulista Hawada ee Xisbiga Waddani Nuura-diin ayaa isaguna gaashaanka ku dhuftay qorshaha xukuumaddu ee beddelaada summada Gaadiidka, waxaanu yidhi “Waxa la sameystay Taariko cusub oo gaadiidka ah sidii dhawaan la shaaciyey, iyadoo aan lagu bilaabin kuwo cusub ee soo degaya ee waxa la beddalayaa kuwii hore ee socday, tusaale ahaan aniga bilaydhkii hore dawladdu lacagtiisii way iga haysaa ee waa maxay lacagtan badan ee ay haddana igaga doonayso bileydhkan lagu beddalayo”. Waxaanu intaasi ku daray, “Tallaabadani miyey tahay wax sharci ku dhisan oo jiraya, walaal jawaabteedu waa maya”. Ayuu yidhi Xoghayaha Duulista Xisbiga Waddani

Dhinaca kalena, Wasiirka Horumarinta Maaliyadda MD Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu faahfaahin kaga bixiyey awooda Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu u leedahay wax-ka-beddelka qiimaha bilaydhada gaadiidka, fulinta iyo hirgelinta Xeerarka Dalka, waxaanu war-saxaafadeedkaasi oo dhameystirani u dhignaa sidan:-

Hordhac

Waxa jirta in warqadda summadeedu tahay WM/02/08-01/1480/2018 kuna taariikhaysan 13/09/2018 ujeedadeeduna ay aheyd wax-ka-bedelka tacriifadda lambarrada cusub ee gaadiidka, taasoo lagu baahiyey baraha bulshadu ku kulanto iyo warbaahinta fogaan-aragga ah ee dalka.

Haddaba, war-saxaafadeedkan waxaan ku qaadaa-dhigi doonnaa awooddaha ay wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu u leedahay kordhinta qiimaha bilaydhada gaadiidka ee kala duwan, sidoo kale, fulinta iyo hirgelinta xeerka Wadda-marista Gaadiidka.

  1. Xeerka Waddo-marista Gaadiidka.

Ugu horreyn Xeerka Wadda-marista Gaadiidka  ee summadiisu tahay 56/2013 qodobkiisa 48aad faqraddiisa 2aad iyo 4aad waxa uu si cad u tilmaamayaa isla markaana ina farrayaa in la beddelo bileydh-lambarrada noocyada gaadiidka kala duwan, anagoo fulinayna isla markaana meel-marinayna oo u dhigan sidan:

Farqada 2aad “Magaca Gobolka gaadhiga laga diwaangeliyey oo ay la socoto lambarka diwaangelintu, astaanta rasmiga ah iyo kalmada (Soomaaliland) waa in lagu muujiyaa Taarikada danbe iyo taarikada hore, taarikadana waxa laga samayn doonaa bir ama wallax kale oo u-eeg, oo ay ku xusan tahay xarfaha iyo lambarada oo ku xardhan oogo madaw”.

Farqada 4aad “Taarikada hore waxa lagu muujin doonaa dhammaan calaamadaha ku xusan Taarikada danbe Taarikadaasi waxa laga samayn doonaa bir ama wallax kale oo la mid ah, kuna xardhan xarfo iyo numbaro cadaana oo ku yaalla oogo madaw ah”.

  1. Xeerka iyo Qodobada Dastuurka ee u Ogolaanaya Wasaaradda H/Maaliyadda ee u ogolaanaya kordhinta Qiimaha (Value) Bilaydhka Gaadiidka

Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxay awood u leedahay wax-ka-beddelka qiimaha tacriifadda ee ah dhokumenti kasta oo u taagan lacag sida bilaydh-lambarka. Waxaana u ogolaaday awooddaa Xeerka Cashuuraha Berriga ee ay summadiisu tahay 72/2016 qodobkiisa 52aad kaasoo ka hadlaya wax-ka-beddelka Shaxda iyo Xaddiga Lacagta.

Qodobkani kama hor imanayo Dastuurka qodobkiisa 14aad, waayo isla qodobkaa 14aad faqraddiisa 2aad waxay sheegaysaa inuu xeer kale jidaynayo curinta, dhaafidda iyo wax-ka-beddelka cashuuraha. Xeerkaa kale ee jidaynayaana waa xeerka Cashuuraha Berriga Xeer Lr. 72/2016 qodobkiisa 52 aad, kaas oo sheegaya:-

“Wasiirku ka dib marka uu helo ansixinta Baarlamaanka wuxuu si sharci ah wax ka beddali karaa;

  1. b) Qadar kasta oo lacageed oo lagu qeexay xeerkan ama, (t) Jaantuuska.

Xeerarka ay ku shaqayso wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxay ka farcamaan dastuurka qaranka, iskamana hor imanayaan ee way-is dhammaystirayaan.

  1. Muddada ay qaadanayso beddalaadda bileydhada Gaadiidka.

Muwaadinku waa inuu iska beddelo bilaydh-lambarka muddo lix bilood ah oo ka bilaabmaysa maalinta la dhaqan-galiyo. Dhokumenti kasta ama shay kasta oo leh qiime-lacageed waxa lagu beddelaa ugu yaraan 3 bilood ugu badnaanna 6 bilood.

Haddaba, lafa-gurid dheer ka dib iyo xigasho xog-koobid habraacyada adduunka sida Ururka Ganacsiga Adduunka (World Trade Organization) iyo Ururka Kastammada Adduunka (World Customs Organization) iyo duruufaha dhaqan dhaqaale ee nagu gaddaaman darteed in laga dhigo muddada ugu badan oo ah 6 bilood.

  1. U Caddaalad-samaynta Bulsho-weynta Somaliland dhammaan cashuuraha, ajuurooyinka iyo takaaliifaha laga qaado, Siday tilmaamayaan dastuurta iyo xeerarka maamulka maaliyadda ee lagu hago dalka waxa waajib ah in laga qaado xaddi isku mid ah dhammaan muwaadiniinta Somaliland ee ay ku waajibtay takaaliif, ujuuro iyo cashuuro ba.

Haddaba, taarikada cusub ee gaadhiga afar taayarliha ahi waa 1,000,000 halka gaadhiga hore u sii joogay dalka laga qaadayo 600,000 maadaama oo hore looga  sii qaaday cashuur 400,000. si muwaadiniintii lacag isku mid looga qaado, muwaadinka hore u sii haystay gaadhiga waxa laga qaadayaa 600,000 ee ka maqan. Balse, caddaaladdi kuma jirto laba gaadhi oo isku mid ah in midna hal milyan laga qaado midna 600,000.

  1. Soo Bandhigidda Xaddiga Cashuurta ay ka Qaadaan Dalalka Jaarkeenna ah Bileydhada Gaadiidka, Cilmi-baadhis iyo xog-ururin ay wada sameeyeen wasaaradda horumarinta maaliyadda iyo wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadku waxay ku ogaadeen inuu dalkeennu yahay dalka ugu jaban bileydh-lambarka (Plate numbers) ee gaadiidka marka la barbar dhigo waddamada kale ee adduunyada. Tusaale ahaan:-
  2. a) Dalka Itoobiya ee aynu jaarka nahay waxa la cashuuraa isaga 2% ka mid ah qiimaha uu gaadhigu taagan yahay taasoo laga shubo lacag kumaan-kun dollar ah qofka gaadhiga leh.
  3. b) Kiiniya waa 300 oo Dollar, (c) Jabuuti waa $200, (d) Eretariya waa $130, (e)  Somalia waa $160, Halka innaga ay maanta ka tahay $100 oo keliya.

Somaliland ma aha dalka keliya ee adduunka ka jira, waa mid ka mid ah 200 ee dal ee ka jira adduunka. Sidaa daradeed, waxa muhiim ah in loo dhaqmo si la mid ah sida ay u dhaqmaan adduun-weynaha kale.

Gabogabo

Maadaama oo uu hal-ku-dhegga dawladani yahay sarraynta sharciga, Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxay fulisay dhammaan shuruucda dalka ee uu jideeyay baarlamaanku. Waxa muhiim ah inay shacabku ogaadaan in aanay wasaaraddu jabinin shuruucda u yaalla dalka, isla markaana ay mar walba ku dedaalayso sidii uu dalku u horumari lahaa. Fulinta xeerarkii ay sameeyeen baarlamaanka, dawlad nidaamsan oo daah-furan iyo isla xisaabtan joogto ahi waa mid ka mid ah astaamaha ay dawladani leedahay. Shacab-weynaha Somaliland na waxaan ka codsanaynaa inay dawladda la dhinac istaagaan fulinta iyo sarraynta sharciga.

Fiiro Gaar ah:

Waxaa xusid mudan in samaynta bileedhada gaadiidka sida ugu dhakhsaha badan leh lagu soo wareejin doona gacanta dawladda, isla markaana ay daabici doonto madbacadda qaranku, waxaanay gacanta dawladda ka maqnaan doontaa oo qudha inta lagu wado casriyaynta iyo dalbida mashiinadda lagu daabacayo bileedhada, sidoo kale la diyaarinayo shaqaalihii hannan lahaa hawshan oo xirfadooda iyo aqoontoodana kor loo qaadayo.

Kaafimedia