Safaraadda Somaliland Ee Dalka Mareykanka Ayaa Ka Qayb Gashay Shri Ka Dhacay Washtinton.

0
124

Hargeisa (Kaafimedia )Wakiilka Somaliland u fadhiya Maraykanka ambassador Bashir sh. Cumar Goth ayaa ka qayb galay shir la yidhaahdo “Africa Braintrust” oo  lagaga hadlayey arrimaha Afrika shirkaas oo ka dhacay  magaalada Washington waxaana shirkaas hogaamineysay haweenayda aqalka Congress-ka ku jirta, Karen Bass.

Intii aanu shirku bilaabmin wuxu wakiilku kulan gaaban la yeeshay Karen Bass oo uu ku amaanay kaalinta muuqata ee ay ka qaadato arrimaha Africa iyo saaxiibtinimada ay u hayso Somaliland. Wuxu u sheegay nabadda, dimoqraadoyadda iyo horumarka Somaliland ku soo biirisay gobolka Geeska Afrika .

Waxa kale ee uu Wakiilku la kulmay aqoonyahanadii madasha ka hadlay mid ka mid ah oo uu uga warramay sooyaalka tariikheed ee Somaliland, wuxuuna u sharaxay sida ay muhiimka u tahay inay cilmi baadhayaasha Maraykanka ee Afrika wax ka qoraa arkaan Somaliland oo ah meel ay ka heli karaan sheeko fiican oo Afrika samaysay iyada oo aan cidina ku taageerin, waxaanu ku casuumay inuu Somaliland booqasho ku yimaado, taas oo uu soo dhaweeyey cilmi baadhe Dr. Marc Sommers.

Wakiilka waxa weheliyey Yaasiin Maxamed oo ah ku-xigeenka Safaraadda Somaliland.

Siyaasadda mareykanka ee ku waajahan  qaraaddka ayaa  warwar ka muujinaysa dardarta xoogan ee Shiinaha iyo Ruushku ku soo galayaan Afrika.

Qoraalkan wuxuu ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland.

Kaafimedi Hargeisa