Guddida Hawlaha Guud Iyo Wadooyinka Ee Golaha Wakiilada oo ka Hadlay Tacriifada Sumada Gadiidka.

0
56

Hargeysa (Kaafimedia)Xildhibaan Naasir Cali Shire kana mida mudanayaasha golaha wakiiladda ahna gudoomiye ku xigeenka gudi hoosaadka hawlaha guud iyo wadooyinka ayaa sheegay in hawsha tacrifadda sumadda gaadiidka wasaaradda maaliyadda b Somaliland ay sameysay ay sharciyadda iyo dastuurka dalka baalmarsan tahay, islamarkaana wasaaradda maaliyadu aanay xaq u laheyn balse hawshaasi tahay arrin golaha wakiiladd u taala.

Xildhibaan Naasir Cali Shire isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Marka laga hadlayo takaaliif waxaa qarankani ka kooban yahay saddex dhadhaar, oo ah garsoorka, xeer dejinta iyo fulinta, xeer dejinta ayaa dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland uu siiyay in ay iyagu yihiin cida iska leh inay ansixiso in xeerna lagu soo saaro intaa aan dadka wax cashuura amase takaaliifa lagu kordhin, hadaad aad u dhugato qodobka 14-naad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland farqadiisa koobaad iyo labaad waxay si cad u sheegeysaa cida iska leh waajibaadkaasi, waxaanay leedahay farqada koobaad waajibinta cashuuraha iyo wixii takaaliifa waxaa loo eegayaa danta iyo maslaxada bulshada waxaana marka hore la eegayaa bulshadu waxan ma qaadi kareysaa, miyay ku culus tahay mise way ku fududahay, sidaasi darteed cashuur amase takaalif aan xeer jideyn lama qaadi karo, waxaan halkan ka cadeynayaa wasiirka maaliya waxaanu kala nahay fulinta iyo xeer dejinta shaqo kuma laha wax uu isagu iska leeyahayna maaha in uu umada takaalif uu isagu leeyahay u sameysto qodobadii warbaahinta uu ka sii daayayna waxba kama jiraan”

Khadar Horyaal.

Kaafimedia Hargeisa Office,