“Xisbiyadeenna, Waxaad Mooddaa Inay Aqoon-darro Badani Ka Haysato Xaga Shuruucda, Warbaahintana Ka Hadlayaan Dad Aan Waayo-aragnimo U Lahayn Maamulku..” Wasiirka Gaadiidk Somaliland.

0
65

Hargeysa, 18 Sep, 2018 (KAAFIMEIDA)-Xukuumadda JSL ayaa si adag uga jawaabtay Xisbiyada Mucaaridka ee Waddani iyo Ucid oo shalay gaashaanka ku dhuftay sharcinimada lacagta Bileydhada cusub ee Gaadiidka, isla markaana faahfaahin ka bixisay sababta keentay in la beddelo bileydhadii hore iyo waliba waxyaabaha ay xukuumaddu u cuskatay qiimaha ay u jaan goysay in lagu qaato bileydhada.

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Cabdillaahi Abokor Cismaan ayaa shalay arrimahaasi ka hadlay waxaanu ugu horreyn uu sheegay in xeer muddo hore la sameeyay uu waajibinayo in la beddelo Bileydhka Gaadiidka, waxaanu yidhi “Xeer la sameeyey 2013kii oo la yidhaa Xeer 56 qodobkiisa 48aad faqradiisa 2aad iyo 4aad ayaa waajibinayey in summada Gaadiidka la beddelo, shay kasta oo la bilaabayaana waxa uu leeyahay caqabad”. Wasiirku waxa uu intaasi ku daray, “Xeerkaasi muu ahayn mid laab la kac ah ee waxa uu ahaa mid fikir iyo daraasad badan la galiyey, waxaana la arkay markii la sameynayey xeerkaasi in 38 mitir wixii ka badan aan laga arki karayn marka uu gaadhigu shil geysto, qodobka labaad na waa in xeerkaasi uu jidaynayey in gaadiidka shantii sano ba mar la tiro koobo, waxaana adkaatay in la tiro koobo oo may jirin hab lagu sugayo gaadiidka dalka jooga wixii ka baxay iyo wixii yaalla”.

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay qiimaha bileydhka cusub ee Gaadiidka iyo sababaha loo cuskaday, “Wasaaradda Maaliyadu way ka hadashay, waxaana la sameeyey daraasad oo aanu jecel nahay in aanu ku binnayno shay kasta oo la bilaabayo oo ah maxaa hore u jiray, maxaa cusub, maxayse noqon doontaa, waxaanan idiin sheegayaa bileydhka Gaadiidku caalamka oo dhan Somaliland waa dalka ugu jaban, waxaanu is barbar dhignay waddamada deriska oo dalka Itoobiya waa 2% qiimaha gaadhiga, dalka Kenya na waa $300, Jabuuti waa $130, Soomaaliya na waa $160, markaa annaga oo danaynayna dadkeena oo eegayna xaaladda dhaqaale ee dadkeena waxaanu qaadanay oo aanu ka dhignay $100, waxaananu ka jarnay qiimihii uu qofku hore u soo bixiyey oo ahaa 400,000slsh si loo simo”.

Sidoo kale, Wasiir Cabdillaahi Abokor waxa kale oo uu si adag uga jawaabay dhawaaqa diidmada ahaa ee ka soo yeedhay Xisbiyada Mucaaridka ee Waddani iyo Ucid, “Waxaan shalay arkayey Niman leh waxa la sameystay nidaam musuqmaasuq, waxaad moodaa in aanay fahamsanayn nidaamka maamulka dhaqaalaha dalka oo ah in aanu Wasiirku awood u lahayn inuu lacag qaado ee lacagta dhammaanteed qaadayso Wasaarada Maaliyada qaybteeda dakhliga, markaa Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadku lacag ay qaadaa ma jirto, waxaanad moodaa inay aqoon darro badani ka haysato xaga shuruucda oo inta badan xisbiyadeen dad aan aqoon iyo waayo aragnimo u lahayn maamulkii inay inta badan soo fadhiistaan Warbaahinta ka hadlaan”.

Ugu dambayntiina, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Gaadiidka Cabdillaahi Abokor Cismaan xaaladda Gaadiidka dalka iyo saamaynta ay ku leeyihiin dadka, “Qof kasta oo masuul ah xil ayaa ummadda ka saaran oo annagu waxaanu dareemaynaa inuu culeys saa’id ahi uu dalkan Somaliland uu ku hayo Gaadiidku xag dhaqaale iyo Nafeed ba, haddii ALLE yidhaa waxaanu soo wadnaa in la dhaqan geliyo waxa la yidhaa MOT iyo ceymiskii Gaadiidka”. Ayuu yidhi Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL

Kaafimedia Hargeisa Office.