Madaxweynaha Puntland Oo Tagay Deegaanka Uu Ku Dhuumaalaysanayo Kornayl Caarre, Maantana Tagaya Badhan

0
43

Qardho, 20 September, 2018 (Kaafimedia) – Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), ayaa Shalay Safar ku tagay Degmada Qardho ee Gobolka Karkaar ee Puntland.

Madaxweyne Gaas oo wata Ciidamo badan oo wata Gaadiidka Dagaalka ayaa waxa Qardho ku soo dhaweeyay Dadweynaha halkaa deggan, waxaanu kormeeray Xaruumo caafimaad oo halkaa ku yaalla.

Booqashada Gaas ee Qardho ka sakow, wuxuu Madaxweynaha Puntland u Qorshaysan inuu Gaadho Magaalada Badhan ee Bariga Gobolka Sanaag ee Somaliland, waxaana la sheegay inuu Xadhigga ka jarayo Jaamacad ay Maalgelisay Dawladda Kuwait, taasi oo dhismaheeda la dhamaystiray.

Safarka Madaxweynaha Puntland uu Degmada Badhan ku tagayo oo noqonaysa kii koowaad uu halkaa ku tago tan iyo markii Xilka Madaxweyne-nimo loo doortay, ayaan illaa hadda waxaan ka hadal Xukuumadda Somaliland, Xidhiidho Wargeyska Himilo la sameeyayna ma suurtoobin inaanu khadka Telefoonka ku helo Masuuliyiinta Dawladda si aanu wax uga waydiino siday u arkaan in Puntland oo dagaal kula jirta Somaliland isla-markaana labada Ciidan ay isku hor-fadhiyaan duleedka Degmada Tuke-raq uu Madaxweyne Gaas ku dhiirado inuu safar dhulka ku tago Degmada Badhan oo ah gudaha Somaliland.

Geesta kale, Safarka Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas uu Shalay ku tagay Degmada Qardho ayaa ku soo beegmaya xilli uu duleedka degmada Qardho uu ku sugan yahay Kornayl Caarre oo dhawaan ka goostay Ciidammada Qaranka Somaliland.

Warar ka soo baxaya ilo-wareedyo kala gedisan ayaa sheegaya in Safarka uu Madaxweynaha Puntland ku marayo Qardho illaa Badhan ay qayb ka tahay inuu la kulmo Kornayl Caarre iyo Xubnaha ka midka ahaa Ciidammada Somaliland ee jabhadayta ku weheliya, wallow aanu ku jirin War sugan oo xaqiijinaya arrintaasi.

Puntland ayaa dagaal kula jirta Somaliland oo ay kula doodayso Mulkiyadda Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, waxaana 8-dii bilood ee u dambeeyay labada Ciidan isku hor-fadhiyaan Duleedka Degmada Tuke-raq ee Gobolka Sool oo Ciidammada Somaliland ka saareen kuwa Puntland, sidaasi darteed ayaa Madaxweynaha Puntland aanu daayacayn fursad kasta oo uu kula hadli karo Cid ka soo horjeeda Somaliland, sida Kornayl Caarre oo cadho kaga maqan Ciidammada Qaranka Somaliland, taasi ayaana la leeyahay waata suurto-galka ka dhigaysa in Gaas la kulmo Caarre.

Kaafimedia Hargeisa Office.