Dagaalkii Ciidanka Qaranku Ku Qaaday Taliye Jamaal Oo Is Taagay, Gaadiid Iyo Goobtii Taliyuhu Ku Sugnaa Oo Lala Wareegay Iyo Is-Gaadhsiinta Deegaanka Oo Hawada Ka Maqan.

0
203

Hal-dhaadan, September 23, 2018- (Kaafimedia)- Wararkii ugu dambeeyey ee Wargeyska FOORE ka soo gaadhaya Deegaanka Hal-dhaadan oo la xidhiidha weerarkii Galabta ciidamada Somaliland ku qaadeen saldhiggii uu ku sugnaa Taliye Jamaal Ducaale Baaxad oo dhawaan ka goostay ciidamada qaranka ee aagga Gobolka Sanaag kuna biiray jabhadda Kornayl Caarre ayaa la sheegayaa in deegaanka Haldhaadan dagaal muddo kooban socday kadib imika dagaalkii joogsaday.

Wararkii ugu dambeeyye ee aannu aagga dagaalka ka helaynaa waxa ay tibaaxayaan in Taliye Jamaal Baaxad uu ka fakaday ciidamadii qaranka ee weerarka ku soo qaaday balse halkaasi lagaga qabsaday dhawr gaadiid ah oo uu haystay iyo goobtii agabku u yaallay oo ay ciidamadu la wareegeen.

Inkasta oo khadka is-gaadhsiinta ee deegaankaasi hawada ka maqan tahay haddana wararkii ugu dambeeyey ee halkaasi naga soo gaadhayaa waxa ay tibaaxayaan in khasaare dhaawac ahi labada dhinac kala gaadhay balse Taliye Jamaal Baaxad ay u suurto gashay in uu baxsad ku galo buuraha deegaankaasi.

“Waxa ay ciidamadu la wareegeen dhawr gaadiid ah iyo agab yaallay goobta weerarku ka dhacay oo ay ku jiraan xataa dirayskii Taliye Jamaal oo ay ku jiraan darajadiisii. Ma hayno wali wax dhimasho ah balse wararka illaa mar dhaw ayaa la heli doonaa” sidaa waxa wargeska Foore u sheegay mid ka mid ah ehelada Taliye Jamaal Baaxad oo aannu la xidhiidhnay.

Ciidamada weerarka qaaday ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwo gaar ah oo u muuqda in ay muddo qorshaynayeen weerarka illaa imikana lama oga wakhtiga hawlgalkaasi qaadan doono.

Foore

Kaafimedia Hargeisa Office.