Nuxurka Kulanka Dhexmaray Axsaabta Qaranka Iyo Xukuumadda Ayaa Xalay Fiidka Ka Dhacay Qasriga Madaxtooyadda Iyo Qodobadda Laga Wada Hadlay.

0
110

Hargeisa (Kaafimedia)Xalay Fiidkii  Qasriga Madaxtooyadda ee Somaliland waxa uu shir laba Geesood ahi uga bilaabmay Gelinkii dambe Abaaro 1:00 duhurnimo Madaxweynaha Somaliand md Muuse Biixi iyo Ku Xigeenkiisa Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye metelaayey aanay weheliyaan Xubno Golaha Wasiiradda iyo Hogaanka Kulmiye Ka tirsani iyo dhinaca kale oo ay ka socdeen Axsaabta mucaaridka Hogaamiyayaasha Labada Xisbi Mucaarid ee Waddani iyo UCID md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) & Eng. Faysal Cali Waraabe oo saraakiil sar sare oo labadooda Xisbi ka kala tirsani weheliyaan, ayaa shir laysku gabal dhacsaday oo wada tashi qaran ahi uu u soo Idlaaday Caawa 8:00 Habeenimo.

Shirkani oo aan wali faahfaahintiisa si rasmi ah dhinacyada ka qaybgalay aanaya Saxaafadda uga xog waramin, ayaa waxa uu ahaa Shir Wada tashi qaran oo Xaaladda Siyaasaddeed ee wakhtigani Qaranka Somaliland maraayo lagaga wada tashanaayey, waxaana wararka shirkani la xidhiidha tibaaxayaan in falanqayn iyo doodo badana isku waydaarsadeen Xukuumadda iyo Axsaabta Mucaaridka ee UCID iyo Waddani, kuwaasi oo ay ugu muhiimsan yihiin arimaha sida xogaha shirkaasi ka ag dhawaa tibaaxayaan qodobo ay ka mid yihiin.

  1. Xaaladda Guud ee sugida Amniga iyo Xal u helida wixii colaad ah ee dhinaca Bariga Somaliland ka jira.
  2. Sidii Somaliland uga qayb qaadan lahayd Isbedelka Siyaasaddeed ee Mandaqada Geeska Afrika gaar ahaan Ethoipia, Eritrea, Jabuuti iyo Waddamada kale ee Khaliiska Carabtu ay ka wadaan gobolka ay Somaliland qayb uga noqon lahayd ee aanay uga hadhin duufaanta Isbedelka.
  3. >Waxa kale oo laga wada tashaday dabyo tirka doorashooyinka Golayaasha Wakiilada iyo Dawladda Hoose oo wakhtigoodii mudo koobani ka hadhsan tahay sidii wixii hawlo carqalado ku noqon kara looga sii wada shaqaynlahaa.
  4. Tabashadda Xisbiga Mucaaridka ee Waddani ka qabo 7-da Xubnood ee guddida doorashoooyinka Qaranka Somaliland in arintaasi xal kama dambeys ah loo helo ayaa laga dooday.

Waxa dhinaca kale jiray arimo kale oo xaaladda dalka uun la xidhiidha iyo sidii Xukuumaddu wixii tabashooyin ee jira ay u dhamayn lahayd iyada oo sida la sheegay kulankani maanta aanu ahayn mid halka ku istaagaya ee dib loo balamay iyo in kulamo joogto ah oo bishiiba dhawr jeer laysku yimaado ay Xukuumadda iyo Axsaabta mucaaridka ee Somaliland ay qabsoomida doorashooyinka iyo xaaladda dalka kaga wada tashaddaan.

Fiiro gaara warkani maaha xogtii Rasmiga ahayd ama qodobadii shirka laga soo saaray balse waa nuxurka xogta aan ka helay ee dad goob joogayaal ah ku soo warameen, waxaana sido kale suurto gal ah qodobo ka muhiimsan kuwan hada aynu xogta ku helay iyo kuwan oo faahfaahsan in shirkani lagaga wada hadlay iyada oo wixii xog ah ee soo kordha aynu dib ka ogaan doono saacadaha soo socda ilaa aroorta hadii ALLE idmo.

Abdiwali Ismaciil 

Kaafimedia Hargeisa Office.