“Madaxweyne Muuse, Wuxuu Keensaday, Innamo Yaryar Oo Uu Marna Yidhaahdo Fadhiista, Marna….” Ramaax

0
103

Hargeysa (Kaafimedia) – Badhasaabkii hore ee Gobolka Gabiley Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo dhawaan ku biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa Xukuumadda ku eedeeyay in aanay Shacabka u adeegin.

Ramaax wuxuu sheegay in Wasaaradaha Dawladda aanay midna sidii la rabay u shaqaynin, isagoo taasi sabab uga dhigay in Madaxweynuhu uu Wasaaradaha Qaranka u Magacaabay Wasiirro dhallinyaro ah.

Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo Wareysi siiyey Telefiishanka Universal, ayaa isagoo dhaliilaya shaqada Wasaaradaha Qaranka Somaliland wuxuu yidhi “Wasaarad Maanta xilkeedii gudanaysaa ma jirto Xukuumadda uu Muuse Biixi dhistay, Waayo? Innamo ha yaryaraadaan ama ha waaweynaadaane uu marna Madaxweynuhu yidhaahdo fadhiista marna yidhaahdo fadhiista ayuu keensaday, isagii baa difaacaya (Wasiirrada) oo leh waxaan keenay innamadaa..”

Kaafimedia